Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Warar Xog-ogaala oo aanu ka helnay ilo u dhuun daloola ayaa waxa y tibaaxayaan Maayarka Magaalada Hargeysa Mudane C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko uu maalmihii u danbeeyey ku hawlanaa kaambayn culus oo uu ugu jiro sidii uu Saaxiibkii Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin Timacade uga dhigan lahaa kuxigeenkiisa , Arintan oo xamxamteeda hoose aad looga dareemay todobaadyadii ugu danbeeyey Caasimada ayaa waxa ay daaran tahay sidii uu Maayar Soltelko  uu u oofin lahaa balan uu hore ula galay qayb kamida Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Bariga Hargeysa oo uu weheliyo Wasiir Warancade balankan oo uu Maayar Soltelko ku bedeshay magacaabidii Xoghayaha cusub ee Dawlada Hoose ee Hargeysa oo uu isagu soo xushay in booskaas loo magacaabo Xogahayaha hada haya xilka oo ah nin ay mudo dheer kasoo wada shaqayn jireen shirkadi laydhka iyo telfoonada ee Soltelco ee uu Maayarku magaceeda sito ,Maayar Soltelco oo xoghayahan cusub usoo xushay sidii uu u lunsan lahaa isla markaasina jaanis ugu heli lahaa inuu siduu doono kayeelo hantida ummadda ayaa Wasiir Warancade iyo Xildhibaano kasoo jeeda Bariga Hargeysa ku qanciyey inay qaataan booska kuxigeenkiisa isla markaasina ay u daayaan xoghayehan uu wato xilka .

Dhinaca kale waxa aad looga dareemayaa saacadihii ina dhaafay is bahaysi xoogan oo ay samaynaayeen Xildhibaanada laga soo doortay xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax oo wata Xildhibaano katirsan Bariga iyo Galbeedka Hargeysa ,Arintan oo keeni karta in uu Maayar Soltelko Xilkiisa ku waayo ayaa haatan u muuqata xaalad istaadhan oo abuurtay xamaasad iyo kaambayn culus oo dhinacba dhinac ka jiidanaayo guusha

Isku soo wada duubaa waxa aynu ka dhursugnaaba waa sida ay wax u dhacaan iyo inuu Maayar Soltelko ku guulaysto inuu Saaxiibkiis Xildhibaan Timacade ka dhigto Kuxigeenkiisa  si uu ugu oofiyo balankii u yaalay iyo in ay isaga seeftu qaadato

News Related