Published:

Sida la wada ogsoon yahay  dalkan Somaliland  waxaa loo soo maray waddo adag oo aan cidi soo koobi Karin oo dhammaan wada damaqday bulshada Somaliland oo loo gaystay xasuuuq badan iyo ku tacadi iyo cadaalad la’aan ay u dheerayd Saamigii ay ku lahaayeen xukuumaddii kalidii taliska ahayd ee Siyaad Barre

Haddaba, inaga oo ILAAHAY inagu guuleeyay in aynu madax banaanideenii la soo noqono ayaa waxa ay qaadanay in aynu isku xukunno diinta Islaamka oo calankana lagu qoro Tawxiidka isla-markaana ay is wada saamaxeen dhammaan intii la soo shaqaysay taliskaasi iyo intii  ka soo hor jeedayba, laguna heshiiyey in loo wada siman yahay dalka, dadkuna guud ahaantood yihiin reer Somaliland, laguna dhaqmo Dastuurka oo lagu dabaqey Diinta Islaamka. Laakiin  Xukuumadda maanta haysa talada Somaliland ee xisbiga KULMIYE oo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd ku ololeyn jirtay inay ku dhaqmi doonto caddaalad, waxayna wakhtigaasi ballan-qaadey in in loo sinaan doono dalka, qabyaaladdana la dabar jari doonola sinaado iyo in cadaalad la helo oola dabar jaro qabyaalada oo aan qaranimada meel ka joogsan Karin. Hasa-ahaatee markaad dib u raacdo ololihii KULMIYE waxaad fahmaysaa inuu Mucaaradnimadiisiiba uu qabyaaladda korinayey, waayo wakhtigaasi wuxuu si cad u adeegsaday Qabyaaladda, waxaanu beelaha ay Somaliland ka kooban tahay uu gaar gaar ugu yeedhayay in ay ka beel ahaan shaaciyaan oo ay ku soo biiraan xisbiga kulmiye,  taasina  way u hirgashay oo waxa la wada ogaa in Maalin walba ay Telefiishannada soo fadhiistaan beelo leh waxaanu ku biirnay xisbiga KULMIYE.

Taasina waxay marag ma doon u tahay in taliskan maanta jiraa uu ku dhisan yahay qabyaalad oo uu kalidii taliskii Siyaad Barre uu dadka ka waanin jiray in ay qabyaaladda ay aasaan  ilaa ay matalaad loo sameeyey iyadii oo qabyaaladdii la aasayo ,ayaa waxaa ku lid noqonaya sida maanta Somaliland ku dhisan tahay oo xisbiga kulmiye uu ugu horseeday intaanu talada qaban  imikana ay tahay ta ugu wayn ee bulshada Somaliland ka cabanayso in la soo nooleeyey qabyaaladii oo ka dheeraysay xidid iyo tolkii iyo ciddii ay deegaanku walaaleeyey .

Waxaanay arintaasi dhawacwayn u gaysanaysaa bulshada  iyo qaranimada Somaliland  waxaana ay foolxumo wayni ka muuqataa  haykalkii dawladnimo iyo dhismihii dawladda oo ku dhisan beesha ugu badan  Somaliland  taas oo caalamku u arkayaan in aynawaxba ka jirin dhammaan heshiisyadii ay wada qaateen beelaha Somaliland  ee ahaa in loo wada sinaado dhib iyo dheefba Somaliland.

Haddaba sida ku cad dhismaha xukuumadda Siilaanyo  waa mid maanta  kala fogaynaysa bulshada Somaliland.

Eeg Saami Qaybsiga Xukuumadda Iyo Cidda Lagu Taxay Wasiirrada Miisaanka Leh

Madax waynaha w……………….isaaq

Gudomiyaha barlamanka …isaaq

Gudomiyaha Gurtida……….isaaq

Maxkamada sare …… ?

 

  1. Wasirka madaxtoyada ………………………………isaaq
  2. Wasirka maaliyada     …………………………………isaaq
  3. Wasiirka qorshaynta …………………………………isaaq
  4. Wasiirka arimaha dibada………………………. Isaaq
  5. Wasirka arimaha  gudaha……………………. Isaaq
  6. Wasirka cadaalada……………………………… isaaq
  7. Wasirka ciyaaraha ……………………………     ciise
  8. Wasirka caafimadka………………………….dhulbahante
  9. Wasirka taclinta……………………………………….. samaron
  10. Wasirka war fafinta…………………………………… isaaq
  11. Wasirka  gashandhiga………………………………… warsan gali
  12. Wasirka dulista …………………………………………… isaaq
  13. Wasirka ganacsiga……………………………………… isaaq
  14. Wasirka biyaha ………………………………………….. Dhulbahante
  15. Wasirka macdanta …………………………………… isaaq
  16. Wasirka kalumaysiga…………………………………… Warsengeli
  17. Wasirka beeraha ………………………………………… isaaq
  18. Wasirka shaqada iyo shaqalaha………………….. isaaq
  19. Wasiirka xidhidhka golayaasha …………………samaron
  20. Wasirka xananada xoolaha………………………   .isaaq
  21. Wasiirka warshadaha …………………………………… isaaq
  22. Wasirka hawlaha guud ……………………………… dhulbahante
  23. Wasirka dib u dajinta ………………………………….. Ciise
  24. Wasirka isgaadhsiinta…………………………………Samaroon
  25. Wasiirka Deegaanka…………………………………Isaaq

Siyaad bare iyo silanyo

W/Q: Siciid Awgeesh

Haldoornews.com

Contact@haldoornews.com

Hargiesa Office

 

Fikirkaaga Ka Dhiibo

News Related