Hargeysa(Haldoornews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Digreeto Madaxweyne ku magacaabay Guddi cusub, Guddigaas oo uu u magacaabay dib-u-habaynta Siyaasadda Dhulka ee dawladda, ka dib markii dhibaatooyin is-dil iyo isqabsi badan ahi soo baxeen, isla markaana sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad Shacab iyo Ciidan-ba isugu jira, kuwaasoo sii batay dhawrkii bilood ee u dambeeyey intii sannadkan 2015-ka lagu guda-jiray.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo Xambaarsanaa Digreetada Madaxweynuhu Guddiga ku magacaabay oo Haldoornews.com soo gaadhay, ayaa lagu sheegay in 12 Xubnood oo Wasiirro ah Madaxweynuhu u magacaabay Guddigaas dib-u-habaynta Siyaasadda dhulka ee Somaliland.
Qoraalka War-Saxaafadeedkaa Digreetada Madaxweynaha Xambaarsanaa oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Warbaahinta Haldoornews, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo summadeedu JSL/M/MG/081/1-3495/082015 ku magacaabay guddida Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 Wasiir.
Digreetada Madaxweynaha:- Ujeeddo: Magacaabid Guddi:
Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Ku: Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Biyaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.
Mudanayaal: Sida aad la socotaan, ee uu dhigayo Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda, mas’uuliyadiisana dawladda ayaa xil ka saaran yahay.
Haddaba, waxa muuqata in dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland si sharciga baalmarsan loogu tagrifalayo. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Diyaarinta Qabyo-qoraalka Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Somaliland. Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka. ALLAA MAHAD LEH.” Sidaa ayaa lagu yidhi Qoraalkan Xambaarsanaa Wareegtada Madaxweynaha Somaliland Guddigaas ku magacaabay.
Haldoornews.com
Hargeisa Somaliland