Published:

Hargeisa (Haldoornews)- Madaxtooyada Somaliland ee Wakhtigeedii Dhamaaday ayaa la Filayaa inay Magacawdo Xubno Miisaan Culus ku Dhex leh Bulshada Somaliland isla markaana Wax ka Tari kara Tartan danbe oo Xisbiga kulmiye mar labaad ku Hanto Talada Dalka Somaliland.

Ilo Xogogaal ah oo ku dhaw Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa Haldoornews.com u Xaqiijiyay in Wariye Axmed Xasan Cawke oo in ka badan 45 Sanno kusoo Dhex jiray Saxaafada Somalida loo Magacaabi Doono Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi galinta Somaliland halka Wasiir C/laahi Maxamed Daahir cawkeCukuse loo Badali doono Wasaarada Ganacsiga Somaliland.

Xogaha ay Helayso Warbaahinta Haldoornews ayaa Sheegaya in Wariye Axmed Xasan Cawke Madaxwayne Siilaanyo ka Diiday in Wakhtigan Gabaabsiga ah uu Xil ka Qabto Dawladiisa Wakhtigeedii Dhamaaday Balse Ergooyin badan oo loo Diray ka dib waxaa la Filayaa inuu Go,aankiisa wax ka badallo Wariye Cawke Xilkaasina Qaato.

Maaha markii ugu horeysay ee Siilaanyo Siyaasada soo Galiyo Shaqsiyaad Sumcad iyo Sharaf ku leh Bulshada isla markaana ay isfahmi waayaan Xubno ka mid ah Qoyskiisa oo Afduub ku haysta Xukunkii Dalka islamarkaana Ciddii ka hor timaada Daaqada ka Saara, kuwaasi oo ay markhaati cad utahay Wasiirro Tiro badan oo Meeqaam iyo Maamuus Sare ku lahaa Xisbiga iyo Dalka Somalilandba ay maanta dibada ka joogaan Talada Dalka.

 

Wixii Warar ah ee ka soo kordha kala Soco Haldoornews.com

 

Haldoor News

contact@haldoornews.com

Hargeisa Office

 

 

News Related