Published:

Muqdisho(Haldoornews)-Ciidamada Amniga Somalia ayaa howl gallo ka  wada saaka Qaybo ka mid ah Muqdisho, iyadoo howl-galkan Xooggiisa uu ka socdo Degmada Hodan, iyadoo Ciidamadu ay Gacanta ku dhigeen hub iyo dad ay uga Shakiyeen inay Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka uu saameeyay dhaqdhaqaaqii guud ee Xaafada Zone K, waxaana lagu soo Warramayaa in dad kor u dhaafaya 50-ruux lagu soo qab-qabtay howlgalkan.

Howlgalkan oo billowday Xalay Saqdii-dhexe ayaa waxaa Hoggaaminayay xubno ka tirsan saraakiisha nabad-sugidda Qaranka, Waxaana ciidamada ay mid mid u baarayeen Guryaha.

Goob-joogayaal ku sugan Zone K oo Warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay inay saaka aroortii xaafadahooda soo galeen ciidammo fara badan irdaha u taagan; xaafadda oo dhanna buuxiyay.

Sidoo kale, Warar horudhac ah ayaa sheegaya in ciidamada ay meelaha Qaar ka heleen hub iyo walxaha qaraxa, iyadoo howlgalka kaddib lagu wado inay saraakiisha hoggaaminaysa ka warbixiyaan.

Ugu dambeyn, Laamaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegay inay Xoojinayaan howlgallada Amniga lagu xaqiijinayay, iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay Muqdisho ka wadeen Howlgallo.

 

Temporary Email

News Related