Wararka ka imanaya boqortooyada Sucuudiga ayaa sheegaya in 17 qof ay ku dhinteen qarax lala beegsaday masaajid ku yaalla magaalada Abha ee koonfurta Sucuudiga.
Tilifishanka dawladda Sucuudiga ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday Masaajid ku ag yaalla saldhigga ciidmada hawlgaladda deg degga ah ee booliska Suuudiga.
Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ahaa 10 askari oo ka tirsan ciidmada ammaanka sucuudiga oo salaadii duhur ku tukanayay masaajidka.
Bishii May ayaa laba qarax lala beegsaday masaajid ay leeyihiin dadka shiicada ah kuwaasi oo ay sheegatay kooxda Daacish, ma jirta cid ilaa iyo imika sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.
Haldoornews.com
source:voasomali