Published:

Qof weliba oo soo Hanaqaado waxa uu lugta la galaa hirar cusub oo kaga iftiima Dunida Guudkeeda, sidaas Darteed labka iyo dhediga Doonaayo in ay hirkaas cusub kula Jaanqaadan Qaab ku saleysan niyad wanaag ayaa ah mid ay kaga fekeraan seddex arrimood oo kala ah Jaceyl………Farxad……………Kalsooni

Sida aan la wada socono arimaha bulshada ka dhex taagan waa kuwa soo jireen ah, sidaasi darteed waa lama huraan in marka la helo seddexdan aan kor ku xusay.

  1. Jaceyl waa udub dhexaadka lamaane ku heshiyay in ay waqti wada qaataan si markaasi loo gaaro yoolka ay wada higsanaayo taasi oo ay ku doonaayaan in ay nolosha wada qeybsadaan si lamaanahaasi ay uga badbadaan kala tashi oo aan ula jeedo in jaceylka ay ka dhigtaan xariga isku heyn kara labad lamaane iyada oo qof weliba ay isku haleyn karto xiriirka dhexdooda yaal in uu yahay mid ka baxsan waxa ay dadku ay yiraahdaan dhalanteed
  2. Farxad sida aan ka dhadhansan karno ereyga waxaa markiiba maankaaga ku soo dhacaaya in farxadi la’aan aysan cidi noolaan karin sidaasi daraateed ayaa lamaanuhu ay u baahan yihiin in dhexdoodu ay ku jirto farxad

Ogoow in lamaanayasha haddii ay marar badan u martiyaan buuq joogta ah waxaa markiiba soo degdega burburka jaceylka haddaba farxada waxa ay muhiim u tahay jiritaanka jaceylka salka ku haayo daacadnimada

 3. Kalsoonidu iyana  waa Tiir kale oo ku saleysan is afgaradka ka dhaxeeya Lamaanaha is doortay Micnihiisuna yahay Xaqiijin waxaay lamaanuhu  wada unkeen waxaa kaloo la oran karaa waa silsilada xoojisa waxa ka dhaxeeya lamaanaha is calmaday

Daraasaad la Sameeyay ayaa Tusaale loo soo qaatay in Labada Lamaane ay la Mid Yihiin laba Ruux ku kulmay meel keyn ah oo aan ka cidina joogin waxey ahaataba waxaa lama huraan ah in ay isku saan darsadaan si ay isu weheshadaan saacadaha ay dhex jibaxayan keynta cidlada ah haddaba waxaa isweydiin mudan maxey tahay waxa ay labaduba u baahan yihiin waa su’aal marag ma doonta ah in ay u baahan yihiin kalsooni, marka sidaasi si la mid ah ayaa tusaale loogu soo qaadan karaa in lamaane unkay xiriir jaceyl in meesha aysan ka marneyn kalsooni

Hadaba seddexda shay ee Jaceylka, kalsonida. iyo farxada. waxaad Garan kartaa waa aasaaska albaabada mustaqbalka Haddii aad tahay mid ku mashquulsan gogol xaarka guri mustaqbal iska eeg seddexdan qodob ee  aan kor ku soo xusnay.

News Related