Hargeysa(Haldoornews)- Waxaa markii ugu horeysay Dalka maanta gelinkii dambe shandadohooda ka qaatay somaliland kana dhoofay Madaarka Cigaal ee Magaalada Hargeya in ka badan 50 sarkaal oo Cadaan ah kuwaasi oo ah qaybtii u horeysay ee shaqaalaha Hay’addaha EU-da ka hawlgalayey oo gebi ahaanba jalaska looga tumay Xarunta looga taliyo ee magaalada “Geneva”, kolka laga reebo shaqaalaha hoose ee u dhashay Somaliland.
Huteelada waaweyn ee magaalada Hargeysa gaar ahaan Ambassador iyo Maansoor oo iyagu ahaa meelaha ugu waaweyn ee hoyga u ah shaqaalaha Cadaanka ah ee ka hawlgalayey Hay’addaha EU-da ayaa durba qaybo badan oo kamid ahi ay haawanayaan gaar ahaan guryaha khaaska ah ee dadka Cadaanka ah loogu talo galay , halka sadexda maalmood ee fooda inagu soo hayana la filaayo inay wada baneeyeen.
Qaxa ajaanibka iyo kala boqoolka reer Yurub iyo Somaliland ayaa ka dambeeyey hadimada qaranka ay u loogtay Dhego adkaanta Odayaasha u kala sareeya Somaliland ee Siilaanyo iyo Saleebaan gaal.
Saamaynta Muranka iyo jahawareerka siyaasada Somaliland waa mid aan lahayn wax kasoo rayn ah Xaalada dalkuna waxa ay kusii siqaysaa go’doon caalami ah halka xidhiidhkii wadamada deriskuna halista weheshaday.
Mashquul xoogan ayaa xukuumada Madaxweyne siilaanyo iskeed ugu jirtaa kasoo damqashada danta qaran iyo doonista shacab labada ka dheer, Xisbiyada mucaaridkuna waa kuwo la dhego bar-joobay gar-qaadasho la’aanta xukuumada iyo Raacdaynta Cida talada dalku ka go’do!.
Doorkii bulshoweynta reer Somaliland waa mid meesha ka maqan waxaana shacabku la’ ildran yihiin daranyada dhibaatooyinka isu weheshaday ee ay kamid yihiin, Tahriibta, Biyo la’aanta iyo baxaa-dega maceeshada nolosha, mana aha xiligan kuwo taag iyo tamar u haya halista Somaliland Saymaha u tahay.
Sikastaba ha ahaatee talaabo kasta oo xukuumada Madaxweyne siilaanyo qaaday mudadii xilka ay haysay ayaan lahayn habayaraatee wax la mahadiyo, waxaana cidkastaaba ku xasuusan doontaa, kala Boqoolkiyo qabyaalada beelihii Bahwadaagta ku ahaa Axdi qarameedkii heerkan maanta lagu yimi, Danaysi iyo Nin jeclaysi, Xigtaysi iyo Isku Xulufaysi.
Bulshaduna Dibad iyo Gudoba ma hilmaami doonaan Salaq-waydhaankiyo Silanaanta Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo.
Source: Abdirisaaq Yusuf Ali “Terra”
Email: warsomaliga@gmail.com