Published:

Waxaan jecleeystay in aan halkaan ku soo bandhigo toban waxyaalo oo markasta lagu badbaadin karo jaceylka lamaanaha, laguna waraabin karo si oo u saa,idi laha  jaceylka ay isku haayaan labada is qabo iyo kuwa weli diyaariska ku jira, waxeeyna kala yihiin sidaan:
1. Is xasuusinta Illaah:- In aad adiga iyo qofka aad nolosha wadaageeysaan aad Illaah isa soo xasuusisaan, iska dukataan, Illaah isku baridaan waa wax aad u wanaagsan, gargaarka Illaahna markii dhibaato dhexdiina imaato si degdeg ah ayuu inkugu soo gaari doono.
2. Wakhti:- Waxaa muhiim ah in lamaana kasta ay helaan waqti haba yaraadii ay ayaga kaligood isla qaataan. Waqti ay kaga hadlaan waxa ku soo kordhay reerkooda/caruurtooda, bulshadooda iyo dareenkooda shaqsiga ah. Wakhti ay kaga wada hadlaan sida ay u xalin lahaayeen dhibaatooyinka nolol maalmeedka la socda, kadibna kaga wada shaqeeyaan Jaceyl. waxaan la yidhi jacaylku waa sida geedka oo wuxuu u baahan yahay in la waraabiyo, maxay tahay mase  taqaanaa waxa lagu waraarsho?
“FICIL WANAAGSAN iyo ERAY MACAAN! ” Ma jiro qof buuxin karo baahida noolaha, balse ficil wanaagsan iyo eray macaan waxaa lagu buuxin karaa baahida qalbiga/maskaxda. Si aad ugu sameeysid qofka aad jeceshahay wax wanaagsan waxaad u baahantahay wakhti! si aad ugu sheegtid qofka aad jeceshahay wanaaga, naxariista, kalsoonida, jaceylka, dhiirigelinta iyo wax qabadka hagar la’aanta ah ee idin dhaxeeya, uguna mahad celisid waxaad u bahaantahay. Sidaas darteed waxaa muhiim ah inuu jiro wakhti aan dan kale la iska laheeyn,
3. Warqad:- qoraal waxuu xanbaarsanyahay, una sheegaa qofka aqrinaa wax uusan afka/codka uga sheegi karin, dhagahuna markay maqlaayaan sida saxda ah u dareemi karin erayga lagu yiri micnahiisa. Markaad warqad jaceyl aad u qoreysid qofka aad jeceshahay, waxaa laga yaabaa in adiga erayadu miisaan weeyn kula laheeyn, macaanka iyo quruxda Markay qofkaan akhrineyso warqadaan, waxeey dareentaa nabad gelyo nafsi ah, waxeey ku celcelisaa akhriska warqada, oo hal mar iyo laba mar kuma filna, markastane oo ay la akhrinayo xasuus iyo micno cusub ayeey ka dhex aragtaa warqada, kala maqnaasho iyo kala fogaansho kastane waa hilmaan siisaa qalbiga qofta.
4. Hadiyad:- In aad wax u soo hadiyaysaa  qofka aad jeceshahay waa wax muhiim ah,   qofka in aad wax siisid waa wax weeyn oo wanaaga iyo jaceylkaaga ka turjumaa. Taas waxaa ku tusi karo xadiiskii Rasuulka S.C.W oo nagula dardarmaayay in aan wax isku hadiyeeyno si aan isku jeclaano,  hadiyadu jaceylka ayeey saa,idisaa. muhiimna maaha  in hadiyadu tahay mid qaali, lakiin hadiyadaa ayaa macnaheedu tahay inaad xasuus iyo saamayn ku reebto qalbiga qofka,  waxay noqon kartaa shay  yar, ugu raqiisan, laakiin muhiimku waa in aad sheegtid in waxaan yihiin hadiyad. Intaas waxaa dheer in aad hadiyadu gaar ah keentid maalmaha qaas u ah bulshada muslimka ah, iyo maalmaha  idinka qoys  ahaan khaaska idinku ah. Hadii ay tahay midkiin  hilmaamay oo ka mashquulay waa in aad adigu soo xasuusid, oo aadna ka sugin qofka kale markasta.
5. Martiqaad:- dabcan waxaad hada la yaabaysaa sida aad u martiqaadeysid qof aad guri ku wada nooshihiin maahan? Martiqaad waxaan ka wadaa in maalinka qofkaan dhashay, maalinka aad is barateen, maalinka aad is guursateen, maalinka xaaskaaga ay yeelatay uurka ilmahiina kuwood, waa in aad adiga maalinkaas qaddo ama casho la yaab leh sameeysid, oo raashin macaan oo aan horay indho looga qaadin aad diyaarisid. Isla markaas aad warqad ugu qortid oo u dirtid qofka amaba tusaale kale aad ku martiqaadid adigoo sheegaa sababta martiqaadkaaga in aad maqaayad ku martiqaadid. Xaas ayada markasta raashinka diyarisa waxaa muhiim ah in ay maalinkaas guriga iyo alaabtiisa, khaas ahaan qolka jiifka, iyo labiskeeda ay bedesho. Isla markaasna raashin aysan weli horay u sameeynin ay sameeyo, si ay kala duwanaashaha maalmaha caadiga ah iyo maalinkaan u muujiso.
6. Sawiro:- In aad isku aruurisid sawiradiina khaaska ah oo aad wada gasheen, kuwa familkeeda/familkiisa, ilmahiina iyo saaxiibadiina waa muhiim hal mar. Laakiin in aad ka dooratid kuwooda ugu qurxoon oo aad adinka ka dhex muuqatiin, kuwa meherkiinii, arooskiinii, dalxiiskii aad wada aadeen sawiro ka yimid, iyo xafladihii gaarka idin ahaa sawiradii aad gasheen in aad hal albun u sameeysid oo aad u dirtid qayb ka mid ah qofka waxeey ku abuuri kartaa dareen weeyn oo tusaayo in jaceylka la sheegaayaba hada bilawday sababta xasuuska sawirada dartood, iyo waliba qofka soo diray oo loo qaado jaceyl kii hore ka weeyn kana macaan, oo abaal weeyn ayuu u arkaa qofka fiirsaday sawirada sida qurxoon oo micnaha leh la iskugu sameeyay.
7. Ubax:- Ubax waa geed yar, qarkooda caraf saa,id ah ayeey leeyihiin. Laakiin noocayada ama midiba ubaxa qof walba loo geeyo micno gooni ah ayuu leeyahay. Ula jeedadayduna waxay tahay in labada qof oo is jecel ay doortaan ubaxa casaanka (gaduudan) oo leh midibka inteena badan u yeeli lahaayeen jaceyl iyo wadnaha oo gaduudka ama casaanka ah. Ubaxaas casaanka ama gaduudka ah lama  qiima aha ubaxyada kale qofka lo diraayo, waxayna la midtahay in aad qofka dhegta ugu sheegtay: Waan ku jeclahay, waligayna adigaan oo kali ah ayaan jeclaan doonaa! Qofka ubaxa loo geeyay maanta oo dhan wuxuu dareemayaa farxad gooniya oo ay sababtay keenida ubaxaasi.

News Related