Published:

Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland ayaa Abaal-marino Qaaliya guddoonsiiyey Orodyahano Kaalmaha hore ga galay Tartan Orod oo dhererkiisu yahay 10km, kaas oo ay soo qaban-qaabiyeen Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Somaliland.

11898926_1483616431959740_8097892923115047810_nTartankan oo ka dhacay caasimadda Hargeisa ayaa waxaa ka soo qeyb-galay in ku dhaw 150 orod yahan, waxaana tartankan loogu magac-daray “Dhiiri-gelinta Nabad-gelyada”, waxaana uu ka soo bilawday Duleedka Kaantaroolkii hore ee Galbeedka Hargeisa kaas oo aakhirkiina ku soo dhammaaday Beerta Xorriyadda. 11898737_1483617011959682_1323875119487191578_n11898716_1483618041959579_4282242542642767591_nTartankan orodka oo ahaa mid aad u xiiso badan oo la arkayay dadwayne aad u tiro baddan oo tuban wadada hareeraheeda kuwaasi oo ka qeyb ahaa dhiiri-gelinta iyo xiisaha tartankaasi. Waxaana ku guuleystay oo kaalinta koowaad galay orod yahan ka socday gobollka Awdal, halka uu kaalinta labaad ka galay orod yahan ka socday gobollka Maroodi-Jeex, kaalinta saddexaadna waxaa galay orod yahan isna ka socday gobollka Awdal. 11885209_1483615968626453_7773304832750563797_n11866270_1483616335293083_8167440302020491884_n

 

Haldoornews.com

contact@haldoornews.com

News Related