Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Khilaafkii ka Taagnaa Arimaha Doorashooyinka ee Somaliland ayey ka dib markii ay golaha guurtidu muddo kordhin u sameeyeen xukuumada iyadoo taasi uu khilaaf balaadhani ka dhashay, ka dib ay xukuumada iyo xisbiyadu gaadheen heshiis is af garad oo lagu soo af jarayo khilaafka , taasi oo go’aankii ay golaha guurtidu gaadheena ay ku adkaysteen in uu sharci yahay .

hadaba dhawaan ayey ahayd markii uu madaxwayne silaanyo u gudbiyey warqad maxkamada sare uu kaga dalbanayo in la fasiro khilaafkan ka taagan cida sharciyadeeda leh taasi oo uu gudoomiyaha maxkamada sare uu wada tashiyo la sameeyey asxaabta siyaasada ee Saddex-da ah. iyo qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ee sonsaf, balse ay dad badani dhaliileen la kulankaasi sonsaf maadaama aanay dadka oo dhan midaynin.

waxaa saaka ku dhawaaqay go’aankii laga sugayey ee ka taagnaa arimaha doorashada ku dhawaaqday maxkamada sare taasi oo sheegtay in go’aankii ay golaha guurtidu gaadheen ee muddo kordhinta ahaa uu sax yahay kaasna lagu dhaqmi doono wakhtigii ay qabteena la qaban doono doorashooyinka dalka .

Dhanka kale xisbiyada mucaaradka ee saaka goobta ku sugnaa ayaa iyaduna ku qaabilay go’aanka si caga jiid ah oo dirqi ah.

la soco wixi warar ah ee ka soo kordha wararkan iyo muuqaalada wararkan oo faahfaahsan wakhityada soo socda.

 

Haldoornews.com

Hargeysa office

contact@haldoornews.com

 

News Related