HARGEYSA(HALDOORNEWS)-wasiir ku xigeenkii wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland C/kariin axmed mooge ayaa ku Dhawaaqay in uu iska Caslilay Xilkii uu ka Hayey wasaaradaasi warkan oo uu wasiir ku xigeenku ku Qoray Bogga uu Facebook ku leeyahay ee ay bulshadu ku wada xidhiidho waxaana uu u dhignaa qoraalkii uu qoray wasiir ku xigeenku”Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.
Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.
Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland”
wasiir ku xigeenka ayan la garanayn sababta uu xilka isaga casilay in ay tahay arin siyaasiya iyo arin a kale waxaase uu sheegay in uu si shakhsiya isaga casilay xilkaasi uu hayey oo uu qabsanayo hawlo isaga u gaar ah.
Haldoornews.com
Hargeysa office
haldoornews@hotmail.com