Published:

 ciyaar

 

Jariirada Sunday Times ee ka soo baxda dalka Ingariiska ayaa qoreysa in Chelsea ay u isticmaali doonto Juan Cuadrado iyo Ramires oo ah labo ciyaaryahan oo Juventus ay dooneyso makaalintii ay ku soo dabi laheyd xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska Paul Pogba.

 

Juventus ayaa xiiseyneysa saxiixa Ramires iyo Juan Cuadrado, iyadoo Chelsea ay geleyso maalmihii ugu danbeysay ee uu Mourinho ugu yeeray fursadii banaaneyd ee ay ku dhisi lahaayeen kooxooda.

 

Heshiiskii Pedro ay kala soo wareegeen Barcelona ayaa ka dhigeysa in kooxda Jose Mourinho ay ka buuxaan ciyaartoy raaxo ku dareemeysa weerarka dhanka midig, taasoo ku dhiirogelineysa Juventus inay ka soo fududeeyaan Cuadrado iyo Ramires.

 

Xiddiga reer Colombia ayaa ku guuldareystay inuu boos ka helo Chelsea tan iyo markii uu Mourinho ku soo iibiyay lacagtii uu ku gaday Andre Schurrle iyo Ryan Bertrand.

 

Ramires oo ka mid ahaa xiddigii uu Mourinho ku tiirsanaa xilli ciyaareedkii hore ayaa inta badan loo isticmaalaa kubadaha difaaca ee garabka midig, Juventus ayaana dooneysa xiddiga reer Brazil inay ku buuxiso khadkii dhexe ee ay baneeyeen Andre Pirlo oo Mareykanka aaday iyo Arturo Vidal oo Bayern Munich ku biiray.

News Related