Published:

Waxa Ay A hayd 2012 Bishii 12 Shan Iyo Tobankeedii Markii Xilka Maayirnimo Loo Cumaamaday Maayir Mohamed Muraad Oo Lagu Doortay Cod Caqlibiyad Ah Taas Iyadoo Lgu Tuhmaayo In Uu Wax Qabad Hor Leh Ka Samayn Doono Gobolka Togdheer .
Waxaan Gebi Ahaanba Lagu Hungoobay In Mohamed Muraad Laga Dhigo Maayir, Waxaan Dib Uu Dhac Wayni Ku Yimi Kaabayaasha Dhaqaalle Ee Gobolka Waxaanu Maayir In a Muraad Tahli Wayay In Uu Gobolka Uu Soo Kordhiyo Horumar La Taaban Karo Oo Bulshada Gobolka Togdheeri Ku Indha Doogsadaan.

Waxyaabah Muhiimka Ah Ee Aynu Soo Qaadan Doona Waxaa Ka Mid In Gebi Ahaanba Maayir Ina Muraad Uusan Fulin Miisaaniyadii 2014 Oo Aanu Wax Shaqo Ah Ka Qaban Maashaariciidii Lagu Ansixiyay Loona Qoondeeyaay In La Fuliyo Sanadka 2014 Iyo Waliba In U Tahli Wayay In Uu Hirgeliyo Qodobadii Lagu Ansixiyay Miisaniyaadaas
Waxaan Miisaniyada Lagu Ansixiyaay Kala Fadhigii 7AAD Ee Golaha Deegaanka Degmada Burco Waxayna Ka Koobnayad Labo Qodob Oo Kalah.

1. Ansixinta Miisaaniyada 2014 Ee Golah Deegaanka Degmada Burco

2. Ansixinta Qorshe Hawleedka 2014 Ee Golaha Deegaanka Degmada Burco.

Inagoo Si Faah-Faahsan Uga Hadli Doona Aynu Uu Qodobka Ugu Horeeya Hoos ugu Degno , Waxaan Xusid mudan In Aanu Soo Qaadan Doono Mashaariicda Culus Uun In Aan Ku Soo Bandhigo Qoraalka Halkaa Mashaariicda Yar-yari Ee Lagu Ansixiyay Miisaniyada 2014 Ayna Iyagu Tiroba Lahayn Kuwaas Oo Aan Gebi Ahaantoodaba Fulin
Ansixinta Miisaaniyada 2014:

Miisaniyada Ayaa Ku Talla Gelkeedu Ahaa 25.178.236.501 Oo Milyan Looguna Tala Galay In Lagu Qabto Mashaariicyo Kala Duwan , Waxaan Ka Mid Ahaa Maashaariicda Loo Qoondeeyay In Lagu Qabto Miisaaniyada 2014

1. In Dhismo Saddexd Dabaq Ah Loo Dhiso Golaha Deegaanka Degmada Burco ,20 Office Iyo Waliba Laba Hool Oo Shirarka Loogu Talla Galay , Lacagta Loo Qoondeeyay Dhismahan Ayaa Ahayd Qadar Dhan 300.000 Dollor,

Hadaba Waxaa Xusid Mudan In Aan Gebi Ahaanba La Fulin Dhisamahan Iyadoo Lagu Ansixiyay Miisaniyadii 2014, Waxaa Cajiib Ah Iyana In Lacagta Loogu Talla Galay Dhismaha Aan Ilaa Hadda La Garanayna Halka Uu Mariyay Maayir Ina Muraad Oo Ansixinta Ka Dib La Wareegay Lacagtan , Waxaan Ilaa Hata Aan La Dhisin Dhisamaha iyo Waliba Xafiisyada Loogu Talla Galay In Loo Dhiso Golaha Deegaanka Degmada .

Waan Mid Xusid Mudan In Uu Maayirku Ka Turxaan Bixiyo Halka Ay Ku Danbaysay Lacagtaas Loogu Talla Galay Dhismaha Xarunta Dawlada Hoose Ee Degmada Burco.

2. Wadada Hawdka Ee Magallada Burco Oo Loo Qoondeeyay In 2014 Lga Dhigo Wada Laami Ah Kuna Kacaysay Lacag Qadarkeedu Dhan Yahay 163.000 Oo Dollor.

Hadaba Mashruucan Labaad Iyaa Isaguna Noqday Mid Fashilma Markii Maayir In Muraad Uu Ka Gaabsaday Inuu Fuliyo Mashruucan Wadad Oo Lagu Ansixiyay Miisaniyadii 2014, Waan Lacag Aan Ilaa Imika La Garanyan Meel Uu Mariyay Maayirku Waxayna Noqonaysaa , Khiyaamo Qaran Iyo Waliba Mid Shacab Oo Uu Maayirku Ku Dhiig Miiranaayo Shacabka Gobolka Togdheer Iyadoo Aanu Wax Tudhaalle Ah Ku Darayn Haba Yaraate.

Hadaba Labadan Mashaariic Ee Aynu Kor Ku Soo Xusnay Ayay Ahayd In Ay Fulaan Sanadkii 2014 Oo La Ansixiyay Iyada Oo Uu Maayirku Haba Yaraate Labadan Qodob Midna Fulin.

Waxaynu Maalmaha Soo Socda Hoos Ugu Sii Degi Doona Qodobada Kale Ee Aan Iyagana La Ansixiyay 2014 Balse Uu Maayirkuu Uu Samaystay Jeebab Gaar Uu Ah Isaga Oo Aan Ilaa Imika Lagarnayn Halka Ay Dhuuntoodu Tahay.
Waan Mid Loo Baahan Yahay On Shacabka Laga Jaahil Saaro Loona Cadeeyo Cida Ka Danbaysa Dib Uu Dhaca Balaadhan Ee Gobolka Ku Habsaday.

La Soco Qaybaha Danbe…………………………………….
Abdi Nuux
Burco/Somaliland
Abdinuux7@gmail.com

News Related