Published:

Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Somaliland  wuxuu dhawaan bilaabay caado xun oo kusoo kordhiyey siyaadada taasoo ah inuu ka daba shaqeeyo wasiirada dhigisaa,  mr Xaashi ayaa si gaara diirada u saaray Wasiirka Madaxtooyada ka dib markii uu ka masuugay wax qabadka kartida uu haybada u leeyahay Wasiirkaasi, Wasiir Maxamuud Xaashi wuxuu samaystay koox suxufiyiin ku sheega oo isaga u adeegta islamarkaana ka shaqeeya buun buunintiisa caaya wasiirka madaxtooyada iyagoo ku taageeraaya isaga qabyaalad iyo xoogaa lacaga oo uu ka siiyo khasnada dalwada islamarkaana uu ku guneeyo.
Kooxdan uu samaystay Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa ah inamo yar yar oo waxbarasahdoodii ka saaqiday kana soo cararay reerahoodii kuna soo eertay mii maciina biday mihnada saxaafada balse ugu adeegta si ka baxsan nidaamka suxufino, iyagu waxay magaca saxufi ka dayaan  dhuuni waana sababta keentay inay noqdaan awr kiroolayaal uu siyaasi ku adeegto  kana dhigto salaan uu ku fuulo halka uu doonayo, keliyaata iyaga waxaa u cad xoogaga shilimaadka ah uu u balan qaaday  hasa ahaatee ma rabaan sharaf ma jirto xuquuq saxaafadeed oo ay dhawrayaan ama ay garanayaan midna.
Dhaqankan xun ee Wasiir Xaashi kusoo kordhiyey Siyaasada Somaliland ah midaan looga baran siyaasiyiinta somaliand, wasiirka ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay masuuliyiinta aan la aaminin axdiga ay galaana dadka kaga baxa xitaa cuqaashooda gidaarada taaga oo kaga baxsada wuxuuna caan ku yahay balan beenada iyadoo marka laga sheekaynaayo masuuliyiinta uu yahay shikhsiga koobaad ee lagaga cawdo balan daro,  dhawaan wuxuu kharash ku bixiyey  kooxdaasi  awrkiroolayaasha ah ee isaga u adeegta wuxuuna u diray  bariga Somaliland si ay usoo duubaan una sameeyaan barnaamijyo lagu dhiliilaayo dawlada isagoo ujeedadiisuna tahay masuul ay isku mid yihiin oo kaga roonaaday meelo badan, Xaashi wuxuu ka hinaasay waxqabadka Wasiirka Madaxtooyada oo waxqabadkiisu sida cad ceeda usoo ifay balse wuxuuna ka xumaadaa hawlkarnimada ragganiamda iyo shaqada balaadhan u qaranka u hayo, inta badan xaashi wuxuu isku mashquuliyaa sidii uu xirsi u gaadhi lahaa waxna uga sheegi lahaa wanaagisa iyo waxqabadkiisa basle waxaanu ogayn inaanu waligii gaadhayn xirsi oo ilaahay hayabd iyo karaamo siiyey .
Ugu Danbayntii ma jirto ceeb ka weyni Wasiir xukuumadii uu ka tirsanaa ka faafiya dacaayado iyo warar been abuura oo ka dhana, sidoo kale samaysta koox budhcad ah oo isaga dantiisa u adeegta isagoo ku maamula hantida qaranka ee uu hayo waana caado cusub iyo ceeb uu lasoo baxay wasiir maxamuud xaashi oo u kaydsanyd.

Mufakar Darwiish Elmi
mufakar2016@gmail.comxaashi

News Related