Published:

Cadaado(Haldoornews)-Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Goor-dhow kaga Dhawaaqay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir-u-dowle, iyadoo Golaha Wasiirradan ay ku jiraan Xubno ka socda Ururka Ahlusunna Waljameeca.

Golaha  Wasiirrada Galmudug ayaa looga dhawaaqay Munaasabad ka dhacday Degmada Cadaado, taasoo ay oo ay goob-joog ka ahaayeen inta badan xildhibaannada maamulkaas iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirrada Maanta la magacaabay ayaa waxay kusoo beegmayaa xilli shalay ay Degmada Cadaado heshiis awood-qaybsi ah ku kala saxiixdeen Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug, kaasoo ka koobnaa afar qodob.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug oo ay horay uga dhammaatay xilligii uu ku soo magacaabi lahaa Wasiirradiisa ayaa bishan gudaheed waxay xildhibaannada Galmudug ugu kordhiyeen 15-maalmood si uu heshiis ula galo Ahlusunna.

1

2

4

wariye c/fataax maxamuud axmed oo ka hawl gali jiray magaalada boorama una shaqayn jiray talefishanka somali channel ayaa ka mid ahaa dadka sida xooga ah ugu ololayn jiray c/kariin xuseen guuleed in uu noqdo madaxweynaha galmudug wakhtigii uu tartanka ku jiray.

wariyahan ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka bii’ada dhirta iyo daaaqa.

wariye

News Related