Published:

Ayaan Hoodo oo Hore uga  tirsanaan Jirtay Bahda Fanka oo dhawaana ku Dhawaaqday in ay ka Baxday Guud ahaan Fankiina ay Joojisay Kana Toobad keentay ayaa Codsi Baalaadhan u soo Jeedisay Guud ahaa Dadka Islaamka ah ee Haysta Heesihii ay Qaadi Jirtay ee lahaa Muuqaal Video iyo Dhegaysi ah ba in alle Dartii ay u Masaxaan si uu alle ugu Dambi dhaafo iyaguna ay Ajar iyo Xasanaad ka Heli Doonaan Maalinta Aakhiro.

Ayaan Hoodo ayaa sidoo kale codsi balaadhan u soo Jeedisay Dadkii Heesaheeda Galiyay Goobaha ay Bulshadu Akhrisato ee Websites-ka iyo Youtube ka oo Daawasho ah,  iyadoo si Gaar ah uga Codsatay inta Youtube Channels-ka leh ee galisay Goobahaasi, Gaar ahaan Youtube-ka uu Leeyahay HCTV iyo Kuwa kale ee Gaarka loo leeyahay ay Alle Dartii uga Saaraan.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Walaashiin Ayaan Hoodo.

 

News Related