Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Madaxtooyada Somaliland ayaa la warinayaa inay ku wareejisay Haamaha Kaydka Shidalka ee Magalada Berbera Gancsato Gaara oo lagu naas nuujin doono Haamaha shiidalka ee Bebera

Wararka ay Helayso Warbaahinta Waaberinews.net ayaa sheegaya in lagu wareejinayo Ganacsato gaara oo kale ah Hass Petroleum , Som oil ,Read Sea , star 7 petroleum waraabe petroleum , Indhabirta Petroleum, Liibaan Petroleum.

Shirkadahan ayaa la sheegay inay qaarkod gacan ku leeyihiin Wasiiro iyo Wiilka Uu Sodoga u yahay Madaxweyne Siilanyo Ee Dhawaan Loo Magacabay Safiirka Dalka Iskutaga imaradka Carabta ee Baashe Moorgan

Ilo Ka Agdhow Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegay in Maalintii shalay Madaxtooyada looga yeedhay Mareeyaha Haamaha Shiidalka ee Berbera Sheekh Saleebaam iyadoona laga dhaadhac sinayaay inuu aqbalo warjinta Haamaha Shidalka ee Berbera waxana loo balan qaaday Sheekha Haamaha Shiidalka Ee Berbera in loogu badali doono xilkasi Waasir .

Madaxweynaha Somaliland ayaa Wareegto uu ku wareejinayo Haamaha shidalka Berbera waxa uu u gudbiyaay Wasiirka Ganacsiga Somalilad oo la filayo inuu Maalmaha Soo Socda Dhaqan Galin Doono

Siyaasiyiinta mucaaradka Somaliland ayaa Ka Qayliyaay Wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera waxanay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Wadaan Mooshin Ka Dhana Wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka Ee Berbera

Iyadoona Wararka Qaarkood Tibaaxayaan In Dekeda Berbera La Ahaanteeda Xukumada Somaliland Ka iibiso Dad Gaara .

 

source:waaberinews.net

News Related