Published:

XAQA UU KUGU LEEYAHAY WALAALKAAGA MUSLIMKA AH. Walaayaal waxeynu Ognahay inay Diintu meel Sare Gaarsiisay Xaqa uu midkeen, midka kale ku leeyahay, waxaana Haboon inaan Raacno wixii illahey SW, iyo Nabiga CSW, ay ina Fareen. Hadaba waa maxay Xaqa uu kugu leeyahay Walaalkaaga Muslimka ah?, Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Walaalkaaga Muslimka ah wuxuu kugu leeyahay Shan Xaq, waxeyna kala yihiin sidan:-

1-inaad Salaanto Walaalka Muslimka ah oo markaad Aragto aad ku tiraahdo,( Asalaamu Calaykum, Waraxmatullaahi, Wabarakaatuh), Walaalayaal Salaan maaha inaad isku Tiraahdaan iska waran, Subax Wanaagsan iwm.

2- inaad soo Booqato Walaalkaaga Muslimka ah, markuu Buko iyo marka uu kuu Baahdo.

3- inaad u Ducaysid markuu Hindhiso, Haduu yiraahdo Alxamdulilaah waa inaad ku Titaado Yarxamakallaah.

4- inaad Raacdo Jinaasada, markuu Qofkeen Geeriyoodo waa inaad Raacdid Jinaasada oo aad ku soo Tukatid Walaalkaaga Muslimka ah. Dumarka looma ogola inay kusoo Tukadaan oo ay Sabootiyaan Jinaasada, sababtuna waa samirkooda oo yar.

5- inaad Ajiibtid Martiqaad hadduu kuu Fidiyo, Nabiga CSW, waxa uu yiri:- hadduu Qof kuugu yeero Aroos oo aad Diidid waxay kugu tahay Waajib hadduu Arooskaasi aanu ahayn mid lagu Hayo Macaasida illaahey, laakiin hadaad diido Sabab la’aan waxa uu Nabigu yiri:- Nabiguu Caasiyey Qofkii Diida. Werin kale waxay ku Daraysaa in aad la Talisid markuu ku Weydiisto Talo. (walaal Qofka Walaalkaa ah haduu ku Weydiisto Talo waa inaad si Wanaagsan ula Talisaa, oo aad Naftaada la jeceshahay,ee mahaa inaad meel ka Rido oo aad kula Talisid wax Xun. Walaal ma Haboona inaad Xaasidid Walaalkaaga Muslimka ah oo aad la jeclaatid Xumaato iyo Dhib, Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Qofka Muslimka ahi ma Dulmiyo Walaalkiisa ee wuu u Naxariistaa, oo la jeclaadaa Wanaag. iyo wax kasta oo uu naftiisa la jeclyahay.

xigasho:-kobciye

News Related