Published:

dalmarWaa wiil aad u da’ yar, wax bartay, laakiinse halbeegii noloshu ka qalloocatay. Waxa saamayn ku yeeshay siyaasi beenaale ah oo ku guura iyo suldaan hungurigu hago. Kuwaas ayaa kolba midi dhan u jeediyaa, jaamacaddii uu soo bartayna waxa ay noqotay mid uu aqoonteedii ku agaasimo shir beeleedyo aan kheyr wadin. Imika uun buu baraarugay, waxaanu ku tiraabay intan:

Nacas aan dantii garan

…………………………..

Afka waxaan ka sheegaa Waxaan uurku ila qabin Af-gobaadsi mooyee Runta maba abaaroo Been baan afuufaa Eexdiyo qabiilkana Anigaa abqaaloo

Gole reerka ururshiyo

Ardaa aan ka baaniyo Ururraanu leenahay Iyo dhawr ardaayoo Ay ujeeddadooduba Tahay arami baas iyo Naxligoon abuurniyo Ehelkoo la kala diro. Aayahayga waxa haga Afmiishaar danaysta ah Aqoontiyo tacliintiyo Ogaalkiyo xogtaan helay Caqli iguma biirshaan Alle doori baan ahay Aan aqoon dantiisoo Halkii uu ku jabay waa Mar labaad ag jiifoo Isagoo halbowluhu Eegga dhiigga habayoo Hilbihiisu eydiyo

Cadow ay u dagan yiin Isla weyni hodaysoo Axmaq aan xishoon iyo Waxaan ahay agaan falan Oo Carab is moodoo

Intuu tiisa quudhsado Afrikana iskala weyn

Diintiyo islaanimo Afkuun baan ka sheegtaa Ulajeedka noloshiyo

Wixii uu Ilaah faray Addoon beeniyaan ahay Masjidkoo la aadiyo Eedaankiyo salaaddana Anigowgu badiyoo Addinkoon dhammaan baan Safka hore abbaaraa Axaadiista diintiyo Ereygii Rasuulkiyo ( csw) Wuxuu Eebbe yidhi fala Annaa beenshay waa hore

Astaan waxaan u leeyahay Af xumaanta faafshiyo Maskax owdan oon dhalin Hal-abuur i deeqiyo Erey qudhoo samaha dhiga

Ruux asqaysan baan ahay

Is og oo haddana moog

Doqonkaan adeecaa

Beenaale iyo tuug

Midka aaminaan ahay

Ninka aniga oo nool

Ahmin iyo sidii awr

Aayahaygii iibshee

Axakankaygii cunay baan

Intaan taash u tolo weyn

Aqal laba daryaale ah

Oo dadweyne leeyahay

Gabadh ugu aroosaa

Waxaan doono ma aqaan

Waxaan diido lama arag

Ulajeedka noloshana

Dhegahaan ka awtoo

Indho samaha neceboo

Xumo jecel ayaa i dilay

Asaagay i dhaafyoo

Alla doori baanee

Eebboow i samabixi

Idilkiin dadkaygoow

Rabbi hay i jaabee

Aammiin ducada dhaha

Muuse M. Ciise ( Dalmar)

musa.m.isse@hotmail.com

2015-09-22

Sweden

 

News Related