Published:

Muqdisho(Haldoornews)-Afhayeenka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegayay in Dagaalyahanada Al-Shababa ee shalay weeraray saldhig ay AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Janaale ay nolosha ku wateen Ciidamo katirsan AMISOM.

Paul Njuguna, oo ah Afhayeenka Ciidamada AMISOM ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay Al-Shabaab ay nolosha ku qabteen ciidamo katirsan AMISOM gaar aaan kuwa kasocda Dalka Uganda , waxa uuna tilmaamay in aysan jirin ciidan ay Shabaab nolosha ku qabteen.

Afhayeenka ayaa xusay in Ciidankooda ay iska difaaceen dagaalyahanadii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxa uuna intaa raaciyay in hada ciidamadooda ay maamulayana xeradii uu dagaalku ka dhacay iyo guud ahaan Janaale.

Ciidamo badan oo gurmad ah kana socday AMISOM ayaa shalay qaab lug ah ku tagay Deegaanka Janaae, waxa ayna ciidankaasi hada gacanta ku hayaan xeradii uu shalay weerarka culus ku qabsaday ciidamo katirsan AMISOM.

Al-Shbaaba ayaa sheegtay in Weerarkii shalay ku qaadeen xero ay Ciidamada AMISOM ku lahaayeen Deegaanka Janaale ku dileen in ka badan 50-askari oo katirsan AMISOM , waxa ay sidoo kale Shabaab sheegeen in saanad milatari iyo hub badan ku furteen weerarkii Janaale.

News Related