Published:

Falastiiniyiinta ayaa soo dhaweeyay waxay ugu yeereen codeynta taariikhiga ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo u codeeyay in calankooda uu ka mid noqda calamada ka lusha dibedda dhismaha Qaramada Midoobay.

Safiirka Falastiniyiinta u fadhiya Qaramada Midoobay, Riyad Mansur, ayaa sheegay in codenytani ay astaan u tahay aageerada caalamka uu u hayo dadaalka lagu doonayo in lagu helo dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin.

Balse Israa’iil ayaa arrintan ku tilmaantay mid astaan un ah oo aan waxba soo kordhin doonin,

Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay, Ron Prosor, ayaa sheegay in Falastiniyiintu ay dowlad ku gaari karaan oo kaliye wadahadallo toos ah oo ay Israa’iil la yeeshaan.

News Related