Published:

Hargeysa (haldoornews) Gudoomiyaha kooxda xidigaha geeska Abwaan Xasan dhuxul laabsalax  ayaa si adag uga hadlay xadhigii maanta lagu xidhay xubno ka tirsan fanaaniinta xidigaha geeska oo in mudo ah ku sugnaa magalada mogdisho iyagoo kala qayb qaatay dadwayna magalada mogdisho xafladii ciida, sheegay inay kala duwan tahay qadiyada somaliland iyo heesaha umada af-somaliga ku hadasha loo qaaday ayna yihiin koox ay ku way tahay qadiyada somaliland.

kooxda xidigaha geesku ay yihiin dad iskood isku abaabulay oo aan ahayn  shaqaale ka tirsan shaqalaha dawlada,

wasiirada aan dhaqankooda aqaano qaar badan oo ka mida anuu la yooyootami maayo lakiin waxaan leeyahay “Afmiisharku golaha kuma fashilmo ee go,aan qadashaduu ku fashilmaa”

anagu fankayga iyo madax bananidayada kooxda cidnaba marti ugama nihin jamuuriyada somaliland iyo shacabka la majarahabaaniyna waxaan leeyahay kooxdani waa kuwii ku heesay (Horay godmadoow gontaha digatoo talada guracani gunaad ka tagee haduu galabtaba xoryahay gayigii)

xukumadau ciday ka raali tahay way u yeedha ciday ka raali tahayna roog cas baa loo dhiga waana kuwii qadiyada iyo jirtaanka  somaliland ka horyimid shalay.

ugu danbaydii gudoomiyaha kooxda ayaa fariin u diray madaxwaynaha

“Madaxwayne hadad luuqad kale samaysay noo sheeg si aan uga guurno, waxa mogdosho fanaaninta geeyay waa afwadaag oo inanka Baydhabo jooga iyo ka Boorama jooga waxaanu shuraako kula nahay waa dhagihiisa ayaanu shurako kula nahay”

thumb.php

News Related