Published:

Galguduud(Haldoornews)-Wararka ka imaanaya Degmada Caabud-Waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Maamul Goboleedka Galmudug iyo maleeshiyaad taageersan Kooxda Ahlu Sunna.

Goobjoogayaal ku sugan Degnadaasi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Ahlu Sunna uu yahay mid xoogan, waxaana hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo isku socodka dadka.

Dagaalka saakay ka qarxay Degmada Caabdud-Waaq ee Gobolka Galgaduud ayaa daba socda dagaal shalay halkaasi ka dhacay, kadib markii maleeshiyaad katirsan Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen guri uu Degmadaasi ka dagnaa Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga Galmudug.

Qasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda Degmada Caabud-Waaq ayaa laga cabsi qabaa in uu sii kordho, waxaana degmadaasi gaaray ciidamo gurmad ah ay kala helayaan labada dhinac ee Dagaalamaya.

Dagaalka ayaa imaanaya xili saacadaihii lasoo dhaafay Degmada Caabud-Waaq la sheegay in ay gaareyn wasiiro katirsan Maamulka Galmudug iyo ciidamo tiro badan oo katirsan Maamulkaasi, waxaana guul dareestay waan waan ay wadeen odoyaasha Degmada Caabud-Waaq.

 

Haldoornews.com

Muqdisho office

contact@haldoornews.com

News Related