Published:

Bosaaso(Haldoornews)-Waxaa maanta duqa degmada Bosaso loo doortay Injineer Yaasiin Cumar Maxamuud oo ahaa musharaxa kaliyahee  u taagnaa xilka duqa magaalada. kadib doorasho ka dhacday hoolka shirarka ee jaamacadda Bariga Afrika.

Musharaxa ayaa tartanka ku guuleystay kadib markii ay u codeeyeen 28 xubnood oo ka mi ahaa 29 xubnood ee golaha deegaanka degmada Bosaso.

Musharax Cumar Sadiiq oo shalay sheegay in uu san tartamayn sababa jira awgeed ayaa ka maqnaa doorashada sidaasina waxaa xilka ugu guuleystay Injineer Yaasiin

Waxaa isna ku ku xigeenka duqa Bosaso ku guuleystay Saciid Garown, kadib markii uu helay 28 cod.

Saciid Garown ayaa ahaa ku xigeenkii hore ee duqa degmada Bosaso xukuumaddii madadaxweyn Faroole, isla markaana ka mid ahaa golihii degmada Bosaso ee uu kala diray madaxweyne Gaas

Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah.

Waxaa goog joog ka ahaa doorashada maamulka gobalka Bari, kan degmada, Bosaso, xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland, xildhibaano,nabadoono, aqoonyahano, siyaasiyiin, ganacsato, dalinyaro , haween iyo marti sharaf.

News Related