Published:

Buuhoodle (Haldoornews)-Waxa tuulada Buuhoodle ee bariga J/Somaliland laga bilaabay bixinta E-Passport-ka Somalia. Ka dib markii uu ku guulaystay Cali Khaliif in uu halkaasi ka furo xafiis ay dhammaan dadka soomaalida ahi ka qaadan karaan E-Passport-ka Somalia.

Waxa la soo warinayaa in safaf dhaa-dheer loogu jiro xafiiska Buuhoodle laga furay ee laga qaadanayo E-Passport-ka Somaliya, waxanay wararku intaa ku darayaan in dhallinyaro tiro badan oo ka kala yimid magaalooyin Somaliland ah oo ay ka mid yihiin caasimadda Hargeisa iyo Burcoba ay Buuhoodle u tageen sidii ay E-Passport-ka Somalia halkaa uga qaadan lahaayeen. Taas oo ay ku kalliftay iyagoo aan dibadda ugu dhoofi karayn E-Passport-ka Somaliland.

Waxan xusuustaa wasiirka arrimaha gudaha J/somaliand “Waran-cadde” oo 2013kii ku khudbadaynaayey in Xajka sannakaa lagu tegi doono E-Passport-ka Somaliland; hadalkaas oo noqday hal bacaad lagu lisay iyo ina-wax-kama-jiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha “Warancadde” iyo arrimaha dibadda “Ina-Biixi Yoonis” iyo madaxa xafiiska jinsiyadaha “Ina-Cambaro” intooduba way ku guul-darraysteen meel marinta ku-dhoofka E-Passport-ka Somaliland.

somaliSidaa darteed, waxan soo jeedinayaa in xafiisyo laga qaato E-Passport-ka Somalia laga furo Hargeisa, Burco, Boorama, Laascaanood iyo Ceerigaabo si ay ugu fududaato ummaddan masaakiinta ah ee dhibka weyn ka mudanaya soo qaadashada E-Paasport-ka Somaliya iyagoo waliba uu kharaj fara badani kaga baxayo oo ay u dheertahay bah-dilaad iyo dar-xumooyin badani; taas oo ay badeen madaxda dalka J/Somaliland oo nin waliba ku mashquulsanyahay sidii uu jeebabka uga buuxsan lahaa inta uu xilka hayo isagoo aan haba yaraatee marnaba wax xil ah iska saarayn u adeegga bulshadan meehannaabaysa.

 

Allow dhawr Somaliland  –           Guul iyo Gobannimo

 

Faarax Abdu Mohammed (Dhahran – S.Arabia)

News Related