Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Fadhigii maanta ee golaha wakiilada somaliland oo uu shir gudoon ka ahaa gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golahaasi Cali Yusuf ayaa ahaa mid degan ka dib dagaal shallay gacmaha la isula tegay oo dhex maray gudoomiyaha ciro iyo ku xigeenkiisa baashe.

fadhigan waxa dheeraa saaka oo intii aanu bilaabmin ay xukuumadu ciidamo ku daadisay Agagaarka golaha wakiilada iyo Madaxtooyada taasi oo markii hore warbaahinta loo diiday in ay tagaan gudaha golaha iyo iyadoo xildhibaanadana ay baabuurta soo dhiganayeen masaafo ka fog xarunta golaha una dhaw dhakhtarka weyn taasi taasi oo ay xidhnayd jidka hor mara madaxtooyada iyo xarunta golaha.

wariyayaasha ku sugan Agaasi oo shabakada haldoornews u waramay ayaa sheegaya in fadhigan golaha wakiilada uu ahaa mid degan oo ka duwan fadhigii shallay, taasi oo uu gudoomiye kuxigeenka 2aad ee gudoomiynayey fadhigan golaha uu fasax galiyey golaha ilaa inta laga soo noqonayo Bacda Ciida Carafo oo fooda inagu soo Haysa.

 

Haldoornews.com

Hargeysa office

 

News Related