Published:

Paris (Haldoornews)-Dowlada France ayaa si weyn u cambaareysay hadalo kasoo yeeray qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka dalkaasi oo sheegay inay magaalooyinkooda kusoo dhaweyn doonaan Qaxootiga Kirishtaanka ah oo kaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka France Bernard Cazeneuve ayaa cambaareeyey hadaladan saxaafada ay shaacisay todobaadkan oo xiisad weyn ka dhalisay dalkaasi.

Mr.Yves Nicolin oo ah Duqa magaalada Roanne ee dalkaasi France ayaa isniintii sheegay in magaaladiisa uu kusoo dhaweyn doono qaxootiga reer Siiriya kuwooda Kirishtaanka ah, wuxuuna yiri:

“…Waa soo dhaweenaynaa qaar kamid ah qoysaska qaxootiga, balse waa inay yihiin dadka Kirishtaanka ah oo ay kooxda Daacish kasoo barokicisay dalkaasi Siiriya…”

Sidoo kale Duqa magaalada Belfort, Mr.Damien Meslot oo isagana arrintan ka hadlay ayaa sheegay in magaaladiisa soo dhaweyn doonto Qaxootiga Kirishtaanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka France Bernard Cazeneuve ayaa hadaladan ku tilmaamay kuwo aan macquul ahayn, isagoo sheegay inay jiraan dad badan oo muslimiin ah oo ay kooxaha xajirka ah kasoo barokiciyeen dhulkooda, aysan wax caqliga geli kara ahayn in dadka lagu kala sooco diintooda, balse ay tahay in dhamaantood loo gurmado.

France ayaa kamid ah dalalka Midowga Yurub ee la tacaalaya qaxootiga badan ee uga imaanaya Afrika iyo bariga dhexe, ayaa todobaadkan sheegtay inay qaabili doonto 24.000 qaxooti ah labada sano ee soo socda, balse tiradaasi ayaa aad uga yar tirada laga codsaday inuu dalkaasi qaabilo.

News Related