Published:

Qormo Taxane ah: Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe (Qaybta 1aad)sawirkayga

Meeshuu dad yidhi maaha

Geenyadan dakaanka ah

Aan Daraasado Markaygee

IIga Soo Dag ana aan

Daadka Kaga Dulboodee (Abwaan Hadraawi)

 

Dhacdo kasta oo aad aragto ama lasoo maro waxa lagu Suntaa meel ama goob iyadoo lagalinaayo diwaanada aan baaba ayn ee Taariikheed kuwaas oo kolba umada , shacbiga , qoraaga , aqoonyahanka, waxgaradka iyo indheer-garadku inay isku eegaan waxay dhacdo kasta oo hore ka shabahayso mid dambe ama marxalada markaa la marayo,hadaba waxa iswaydiin leh:

  • Maxay SNM dalka u xoreysey?
  • Ma Siyaad Barre ayaa kursiga lagaga dhacsaneysey?
  • Ma umadda Somaliland ayey udaneyneysey?
  • Halgamaa C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) Maxay ushaqaynwadey dowladiisii oo ahayd Xukuumadii uhoreysey ee Somaliland? Tuur dowladiisii Bilqilka ayaa loojarey Si aanay usocon una Tamarin horumar iyo waxqabadna aanay usamayn .Mawduucan Afraad si qotodheer oo faahfaahsan ayeynu uga hadlidoonaa haddii Eebbe yidhaahdo.

 

SNM waxa hoggaankeeda Soo maray Afar gudoomiye oo muddooyin kala duwan xilka hayey ka hor intii aan hoggaanka ururka lagu wareejin Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali, madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha SNM soo maray waxay kala ahaayeen:

  • Axmed Maxamed Guuleed (Jimcaale) oo hoggaanka ururka hayey intii u dhaxaysay 1981 ilaa 1982
  • Sheekh Yuusuf Cali Sheekh Madar… 1982-dii ilaa 1983-dii
  • Cabdiqaadir Koosaar 1983……..1984
  • Ahmed Max’ed Maxamud (Siilaanyo), madaxweynaha wakhtigan ee Somaliland oo xilka ururka hayay intii u dhaxaysay 1984 ilaa 1990.

 

Sannadkii 1984-kii markii Axmed Siilaanyo loo doortay hoggaanka ururka, waxa munaasibaddii lagu dooraneyey Gabay ka tiriyey Alle ha u naxariistee Mujaahid Axmed Maxamed Warsame (Axmed Jiiniyas), waxaana Gabeygaasi ka mid ahaa:

Intay dhibidee hore

Intay dhididay ee kale

Intay dhaqan xumaatiyo

Intay dhacantay maandeeq

Midna kuma dhadhabayee

Yay dhaliili doonaan

Hadday dhama’do caawana?

 

Ma dhurwaa i haystaan

Ku beddeli dhurwaa kale?

Mise aniga dhiil xoor

Igamaba dhammaadee

Marka dhahar la waayaba

Dhiqlaa soo beddeli jiray?

Maansadii Dhayalsi, Abwaan (Axmed Jiiniyas):

 

 

Haddaan intaas ku soo dhaafo Gabaygaas Abwaan Jiiniyas oo xigmaddiisa laga dheehan karayey sida uu u sifaynayey xaaladda jirtay, aan ubucda ugu muhiimsan ee qormadan:

Shirkii magaalada Burco ee 1991 kii markii laysugu yimi mudadii uu socdey waxa laysku af-gartey waxa ugu muhiimsanaa 4 Qodob kuwaasi oo loogu talogalay in ay dhaqaan lana fuliyo si loo socdo loona gaadho umadani waxay hiigsanaysey ee ay mudada usoo martey dagaalada iyo dhibaatooyinkii soo taxnaa tan iyo kacaankii macangaga ahaa ee Siyaad Bare uu hogaanka ka ahaa waxaanay ahaayeen Sidan:

1-In Somaliland gooni isutaagto

2-In mujaahidiintii SNM oo uu ugudoomiye ahaa C/raxmaan Tuur in Mudo laba sano ah ay Xukuumadiisu Dalka hogaamiso.

3-In Mujaahidiintii SNM lasiiyo mudnaanta koobaad .

4-In Beelaha Somaliland Bari ilaa Galbeed la nabadeeyo.

Waxa Madaxweynihii u horeeyey loo doortey Mujaahid C/raxmaan Axmed Cali Tuur halka madaxweyne kuxigeenkii uhoreeyeyna loo doortey Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxaanay haynayeen mudo laba sano ah .

 

Xiligaasi ka dib waxa bilaabmay dagaalo sokeeyo oo lagu mijo xaabinaayo dadkii shacbigahaa kuwaas oo ay ka dambeeyeen niman ilaa hada jooga waxaanay ku suntanyihiin Taariikhda maguurtada ah.

Iyadoo ay hadaba dagaaladii socdaan oo nimankii daydayga ahaa sidii dadkii qaxootiyada ka soo laabtay ay meelkasta ku baadhanayaa ayaa 1992 gii waxa dhacay shirkii la odhanjirey Tawfiiq ee magaalada Sheekh lagu qabtey kaas oo ahaa nabadeyntii beelaha oo ay guurtidii horkacaysey golahaas uu gudoomiye ka ahaa Alle ha unaxariistii Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar iyadoo ugu dambeyntiina halkaasi lagaga dhawaaqey in shir kale laysugu yimaado .

Jidka udhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Borama waxa yaalay 500 goobood oo Daydaygu dadka kubaadhanaayeen iyagoo xataa ka xishoonwaayey Guurtidii nabadeynta oo ay dhexda u istaageen taasi waxaaba ka sii darnayd markii Madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland isaga Hadh-cad gaadhigii uusaarnaa laga dajiyey ee uu ka lugeeyey , hadaba sidii lagu balamay shirkii Towfiiq waxa inoo xigay shirkii lagu qabtey magaalada Borama 1993 gii halkaasi oo ay yimaadeen siyaasiyiin iyaguna aad ubadan oo aan lasoo koobikarin.

Mudo kadib waxa goobtaas Madaxweyne loogu doortey Madaxweynihii labaad ee Somaliland Alle ha unaxariistee Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal halka madaxweyne ku xigeena loo doortey C/raxmaan Aw Cali Faarax Tolwaa halkaas oo uu shirkaa markii la doortey ka dib ka jeediyey qudbad dheer oo runtii cajiiba taabaneysana xaqiiqdii markaa jirtay bal waxaan ka soo qaadan doonaa oo uu goobta ka yidhi Marxuun Cigaal

C/raxmaan Tuur waa Halyey markii la doortey xoreynta dalku aanu ku qaadan 3 bilood .

Marxuun cigaal waxa uu yimi dhul baaba’asan oon habayaraatee lahayn wax lagu tilmaamo balse waxa uu talaabadii ugu horeysey ee uu qaadey ay ahayd inuu sameeyo Dastuur ku meel gaadha iyo isu keenida Beelihii kala irdhoobey .

 

Maxkamada Goodirka ee magaalada Hargeysa ayuu kaga dhawaaqey Baarlamaankii Somaliland ee u horeeyey waxa labada geesood ka fadhiyey

Axmed Cabdi Xaabsade oo noqdey Gudoomiyihii ugu horeeyey ee Barlamaanka Waxay ay Somaliland nimadu ka taagneyd meel adag oo cajiiba iyo Marwadiisii oo ahayd Wasiirkii Madaxtooyada Marwo Maryan Coolow.

Talaabadii labaad waxay ahayd Hubka dhigistii isagoo 1994 kii Soo daabacay lacag ugaara Somaliland waana tan aynu ilaa hada Isticmaalno waxaan garanayaa iyadoo Koobka shaaha lagu Cabo 5 Shilin waxaanay ahayd lacag qiimo le oo wax goyneysa oo la isticmaalo ilaa Halka-Shilin oo Jaandi ama Silfar ka Samaysnaa . Waxa uu sameeyey 300 ee ugu horeeyey ee noqdey Ciidamada Booliska ee Somaliland,waxa uu dib uhabayn ku sameeyey Dekada magaalada Berbera oo ahayd isha kaliya ee dhaqaale si wadanka loogu wado isagoo isla xiligaasi ciidankii Hubka dhigista ku geeyeyDugsiga tababarka ee Magaalada Mandheera halkaas oo dowladiisii seeska loogu Taagay.

Isla sanadkaa 1994 gii Waxa bilaabmay Dagaal kaasi oo ka bilaabmay magaalada hargeysa iyo magaalada burco….

Dhamaan dhacdooyinkaasii iyo Taariikhahaa waxaan hadii eebe yidhaa idiin soo bandhigidoonaa iyagoo Muuqaalo ah oo aan waxna lagu darin waxna laga reebin. Sidoo kale waxa Sooyaalkan iga caawiyey nin Mujaahida Rabigu ha xafidee Mujaahid Ismaaciil Maxamed Gadiid oo dhacdooyin badan usoo taagnaa.

 

GUUL ALLA

 

Qormada Xigta la soco Axadda Dambe Haddii Eebbe ogolaado…..

 

News Related