Hargeysa(Haldoornews)-Xukuumada somaliland ayaa Idaacada ku Hadasha Af-somali-ga ee loo Yaqaano VOA oo baryahan caadsatay in ay buun buuniso waxyaabaha ku lidka ee ka soo hor jeeda somaliland, iyadoo idaacadani noqotay idaacad ka shaqaysa dhibka umada somaliland qarisana guulaha ay gaadheen shacabka reer somaliland.
una adeegta xukuumada somalia ee koonfurta somalia isla markaana ay dhibsadeen dad badan oo reer somaliland ahi maanta hawada laga saaray, taasi oo ay shacab badan oo reer somaliland ahi soo dhaweeyeen arintani, ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan arinka Idaacada VOA oo ka soo baxay xukuumada somaliland , balse wasiirka warfaafinta somaliland Mud:C/laahi cukuse oo u waramay BBC Somalia ayaa ka gaabsaday arintani.
dhanka kale qaar ka mid ah shacbiga reer somaliland ayaa arintani ku bogaadiyey xukuumada somaliland sidoo kale qaar ka mid dadweynaha oo Shabakada Haldoornews wax ka weydiisay arintani ayaa xukuumada ku dhiiri galiyey in iyadna sidoo kale hawada laga saaro si dhibka ay bulshada ku hayaan looga nasto ee dhex-dhexaadnimada ka baxsan.
Haldoornews.com
Hargeisa office
contact@haldoornews.com