Published:

wasiiroHargeysa(Haldoornews)-Sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qarannews ugu yaraan 16 Maxbuus oo ku eedaysanaa denbiyo kala duwan ilaa iyo heer dila ayaa si xeeladaysan ooda looga qaaday Jeelka Laas-caanood habeen hore saqdii dhexe.

Sida tibaaxuhu sheegayaan ,Badhsaabka Gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide ( Yaasiin X-na) ka dhawaajiyey Jeelka Laas-caanood ciidan ama dablay hubaysani ma weerarin,Wax hub ah looma isticmaalin,cid kale oo debeda ka soo hujuuntay lama sheegin, haddana waxaa jeelka laga sii daayey 16 Maxbuus oo halkaas ku xidhnayd,bal adba garo!.

Yeelkeede sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Qarannews waxaa laysla qaatey oo loo badinayaa inay arinka sii deynta maxaabiista ku lug leeyihiin Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq khaliif Axmed oo dhawaan Laas-caanood safar ku tegay,muddo gaabana ku sugnaa inkastoo ay hawlo kale ku afgobaadsadeen haddana waxaa la xaqiijiyey inay Shirar doceedyo doora la yeesheen Odayaal iyo Ash-khaas kala jaadjaada oo Reer Soola oo sida la sheegay dhamaantoodba kala hadlay arinta qaar ka mid ah Maxaabiista hadda ooda laga qaadey oo qaarkood Jariimado & Denbiyo dilal ah loo haystay ama ku eedaysnaayeen.

Taa ka sakow Qof Xogogaala oo ku sugan Laas-caanood oo Qarannews la xidhiidhay ayaa isna dhankiisa ku celceliyey in in sii deynta maxaabiista Wasiirka Duulista maxamuud Xaashi Cabdi qeyb ka ahaa hawluhu laascaanood u yimina tani ugu mudnayd oo uu weliba Juhdi weyn geliyey.

Isku soo wada duuboo wararka yaala suuqyada Laascaanood waxay u badan yihiin in labadaas wasiir ku lug leeyihiin sii deynta 16kaa maxbuus ,wasiilo kasta ha u maraane.Geesta kalena ilaa hadda ma jiraan Xoggo sheegaya qaabka saxda ah ee maxaabiista loo sii daayey aan ahayn in ooda laga qaadey habeen badh,ma jirto wax maxaabiisa oo la qabtay oo dib loo xidhay & cid loo qabtay sii deyntooda.

Xigasho :Qarannews

News Related