Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Wixii ka dambeeyay gelinkii hore ee Axadii markii ay golaha wakiiladu aqlabiyada ku laaleen in xukuumadda Somaliland wareejiso haamaha shidaalka, waxa soo baxaya warar sheegaya in madaxtooyada aan laga soo dhawayn maareeyaha haamaha shidaalka Sheekh Saleban Siciid Aw Cali.

Inkastoo uu maareeye sheikh Saleban  golaha wakiilada ku canaantay inay laaleen heshiis aan weli la gaadhin, haddana warar soo baxay ayaa sheegaya in madaxtooyadu heshay warar sheegaya in maareeyuhu lug weyn ku lahaa ololaha ay golaha wakiiladu ku laaleen wareejinta haamaha shidaalka, warkan ayaa sidoo kale waxa baahiyay shirkadaha la sheegay in lagu wareejiyay maamulka haamaha shidaalka.

Waxaana wixii intaas ka dambeeyay soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo uu xilka ka qaadi doono maareeyaha, ka dib marka ay soo dhammaato baadhis la sheegay inay madaxtooyadu ku samaynayso lugta uu ku lahaa ololaha golaha wakiiladu ku laaleen in haamaha shidaalka lagu wareejiyo shirkado madaxbanaan.

 

xigasho:geeska

News Related