Gabileynewsonline.com
Madaxwayne Siilaanyo Hogaamiye Lagu Hungoobay?Faallo Qormada 3-aad. Qalinkii: Mustafe Future
September 26, 2015 - Written by admin

“Qolo-qoladan loo degey

Kama iman dad-weynaha

Ragga dacarta huriyaa

Waa kooxo duumo ah

Daadihiyeyaashiyo

Maamulkay ku duran yiin.

Qaar baa diktoorro ah

Digriigoodu madhan yahay

Qaar baa durbaano leh

Oo daacaddii jaray.

Darna waa hagoogtaan

Waa deniyo waaweyn.

Isku soo dabbaaloo

Waa dabaqad maal jecel

Waxa loo dig leeyey

Dhididkayga dahabka ah

Sidii loo dudubin laa”

 

Waa Tuduc ka mid ah Maansadii Dugsi ma leh qabyaaladi ee Furtay Silsiladii Deelayda Waxaanu Tiriyay Abwaan Gaariye Alle ha unaxariitee Taariikhdu maray ahayd 1978, Waana Dhacdo Maanta Taagan oo aan Dareensiinayo Ragga Nimaadkii Afwayne wax kusoo bartay ee Jidkiisii maanta haya.

Somalidu Waxay Tidhaahdaa Alifka kaa Xumaadaa Albaqra ayuu ku dhibaa, Dariiqa aad guusha ku gaadhaysaa Haddii uu kaa Leexdo Bilawga hore sida uu ku Toosaa way adagtahay, Siyaasaduna waa sida Geed yaraanta u baahan in la toos-toosiyo oo haddii aad Haddaf cad ka yeelan waydo Yoolkaaga waxay aakhirka kula dhacaysaa god madaw. Qof inuu Kufaa Ceeb maaha balse Halkii uu ku Kufay inuu sii kambadhuudhaa waa Ceeb, waxaa Mushkilad ah in Shaqsigu Isqiimayn kari waayo inta aanay dadku Qiimaynin, waxaa iyana ayaan Darro kale ah Cidda aad Miciin bidayso in ay noqoto maan gaab kale oo ka Faa,iidaystay Awood Darradaada iyo iintaada Maamul.

Bani’aadamka Qofna wax aanu ahayn laguma Tilmaamo Axmed Siilaanyo Waa Hogaamiyihii ugu horeeyay ee shir-beeleed lagu soo doortay intaanu Talada Dalka la Wareegin, Waana mid uu horseed ugu noqday Masuuliyiin badan oo iyagu aqoon bidayay kuna dayday isla markaana dariiqiisii maray, intii uu Talada Dalka hayay waxaa Soo noolaaday Qabyaalad Aasnayd oo aan waligeed Gaadhin heerka ay maanta gaadhsiisantahay, waxaas oo dhanna waxaa Abuurtay inta ku Xeeran Hogaankiisa ee uu ka Doortay Bulshada kale. Alle ha unaxariistee Waakii Gaariye lahaa .

“Uf qabiilka anaa leh,

Wuxuun baa ku adeegta,

Nin iskii kartidiisa,

Isagoon cid ku tiirsan,

Isku taagi kareynin,

Una haysta ateero,

Ayaantuu dambi geystana,

laga hoos galo eeda,

Ayid waad is xigtaaniyo,

Idinkaa isku reer iyo,

Aqligii lixdankii,

Maanta iib geli maayo,

Sidaan aaminsanahayna,

Abkuu doono ha sheegtee,

Wuxuunbaa ehel ii ah,

Dadka kaan af aqaano ee,

Si wax iila arkaaya ee,

Na midayso ujeedo”

 

Somalida waxaa dhaqan Fiican u ahaa inay ku Faanto Xalaal Quute-nimo oo ay ka Fogaato Musuqmaasuqa, Xatooyada iyo Boobka Hanti umadeed oo ah Wax illaahay laga Magan galo, waxaase Caado ka dhigtay waxaas oo dhan Xukuumaddeena oo uxuub siibatay in loo baratamo Boobka, iyada oo noqotay mid lagu Faano isla markaana ay ka soo dhex baxaan Maalin ku taajirro badan oo aan shaqaysan Hantida ay Maanta Haystaan, Waxaa Magaalada Hargeisa Maanta Fooqyo ku leh dad aan tabcan oo Hanti umadeed hadhsanaya Halka Shacabka Hargeisa Qaarkood Harraad dartii udhimanayaan.

Ma jiro Hogaan lagu sii Hirto oo laga Rajo qabo inuu Si Cadaalada Bulshada ugu Qaybiyo ilaha Dhaqaale isla markaana Cashuurtooda dib ugu celiya ugana Faa,iideeya isaga oo Isticmaalaya Qaab Xisaabeed lagu qanci karo oo meesha ka saari kari Musuqmaasuq soo noqnoqda, Madaxwayneheenu waxa uu aqoon Fiican uleeyahay oo uu aqoon ahaan ubartay Dhaqaalaha Balse Barashada waxaa ka Waynaatay Xoogag kale oo ka Baaxad Waynaaday Fulinta Go,aamadiisa, kuwaasi oo ay ugu Biirtay Talo xumo Gaamurtay oo aan eegayn Magaca iyo Mansabka uu madasha ku Fadhiyo.

Xisbiyada Somaliland waxaa loo Sameeyay in lagaga Guuro Qaab Beeleedka balse waxay inoo horseeday Mawjado kale oo Qaybyaaladeed oo ka awood Roonaaday sidii hore, Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo-na waxay Marjac loo noqdo ka dhigatay Qabyaalada oo ay Xal bidayso mar kasta oo ay wax Xumaadaan, Waxaanay Maanta Dalkii Gaadhsiisay Halkii ugu Xumayd abid, wax kastana lagu Qaybsado Qaab hayb raac ah. Alle ha unaxariistee Abwaan Gaariye ayaa Maanso kale waxa uu ku yidhi.

“Dugsi maleh qabyaaladi

Waa dararta baahida

Waa astaanta dibu dhaca

Waa boog dalooshoo

Dadka maanka uga taal

Dirxi qudhun ku nooliyo

Waxa fadha nin daallina

Damqa oo ku joogsada

Balse dira-diraaloow

dabka yaad u sidataa

Yaad daafacaysaa

Haddii uunku kala dido

Yaa dulinka kaa layn

Dibjir iyo nin xoolo leh

Denbi laawe iyo tuug

docdoc weeye shicibkuye

Yaad daawo leediiin”

 

Hogaanka aqoontu Hagtaa waa mid ka midho dhaliya Hirgalinta Hamiga iyo Hanaankiisa Siyaasadeed waana midda jihaysa Shacabka una Abuurta Shaqooyin ay ku kala Mashquulaan balse Xukuumadeenu waxay Abuurtay Goobo loogu Sacabo tumo Qabyaalada laguna kala dilo shacabka iyada oo isku adeegsatay Duqayda, Salaadiinta iyo Madaxda Dhaqanka oo ka soo gudbay Shaqadii odaynimo ee lagu yaqaanay.

Axmed Siilaanyo waa Hogaamiye in badan soo Kufay oo dhibaatooyin badan usoo dulqaatay isla markaana helay fursado aanay helin siyaasiyiin badan oo Lodkiisa ah balse wali waxa uu dhex Fadhiyaa Dhiiqadii iyo halkii uu ku kufay, Waxaa Hogaaminta Xukuumadiisa ka Muuqda Xil-Gudasho la,aan baahsan oo aan cid kale loo aanayn Karin Maadaama oo ay shacabku isaga doorteen, Madax meel ka Saraysa oo la Taabtaa Ma jirto, Cid aan illaahay ahayn oo loo Cawdaana ma jirto, Tallada waxaa la siiyaa ninka kaa qaadanaya, Shacabkii waxay Noqdeen Garoon kubadda lagu Dheelo oo Maalinba ninkii Dan gaar ah lihi ku Ciyaaro ka dibna kabihiisa ka qaato oo isaga Baxo.

Qofka Hogaamiyaha waxaa Dadka Bara Waxtarkiisa iyo Wanaagiisa balse Waxyeeladiisu waxay Lumisa Hirashadii Dawladnimo, Dadku waxa uu iswaydiiyaa Halka habaarku innagaga dhacay ee hogaan Xumadu inaga haysato, waxaa maalinba heelada loo tumaa nin Hankiisuba aanu dhaafsiisnayn inta ku xeeran oo aan Masuuliyadiisu gaadhsiisnayn Shacabka oo dhan, iyada oo aynu ka wada dharagsanahay Intii kulmiye Qabsaday Wadanka in laga Haajiray Da,yar aad badanina ku Geeriyootay Badaha iyo Saxaraha Liibiya.

Waxaa Jirtay Hees uu Tiriyay Xasan Daahir ismaaciil (Weedhsame) oo ay Qaado Fanaanada Ubax Fahmo oo soo Baxday markii Xilka loo dhaariyay Madaxwayne Siilaanyo waxaanay odhonaysaa Heestaasi.

“Dadka duubka ku xidhey

Qaar baan dab loo shidin

Da’yartiyo Barbaartii

Badahey ku daateen

Dibjirkoodii-ba Wadhan

darbiyada Habeenkii

inkastooy ku Doorteen

Adna way ku digayaan

Waa Dayn Codkoodiye

Waa Diiqo ha is Odhon

Dan hadday ku Moodeen

Adna Daacad ugu Tali”

 

Qalinkii: Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)

mccfuture@hotmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News