Published:

1660242_1134152703279948_2500157686202053864_n

Madaxweyne Uhuhu Kenyatta ayaa booqasho ku tagay dalka Talyaaniga taas oo ka qayb gali doono Carwadda Ganacsiga ee ka socota dalkaas oo ganacsata Kiiniya ay ku soo bandhigo doonaan fursahaganacsiga iyo dhaqankooda.

Inta uu joogo Talyaaniga waxa uu kulamo gaar ah la qaadan doonaa Raysal Wasaaraha Matteo Rensi iyo Madaxweyne Sergio Mattarella.

War qoraal ah oo ay soo saareen xafiiska Madaxweyne xidhiidhka iyo qorshaynta ayaa lagu sheegay in uu Madaxweyne Kenyatta uu furi doono xidhiidh cusub oo caalami ah u dhexeeya Kiiniya iyo Talyaaniga.

Munaasibadahan ayaa ku beegan todobaadka Kiiniya ay soo bandhigi doonaan dhaqanka, ganacsi iyo orodka si kor loogu qaado sumcada Kiiniya.

Booqashada Kenyatta ee Talyaaniga ayaa daba socota booqashadii uu hore ugu tegay Kiiniya bishii Julay Raysal Wasaare Matteo Rensi oo markhaati ka ahaa heshiiskii ay wada galeen dawladda Kiiniya iyo shirkada Talyaaniga BNP Paribas ee dhismaha Bangiyada Itare Dam in Kuresoi.

11041630_1134152339946651_7866621511622767544_n 11218954_1134152079946677_1251374003633120561_n 11951806_1134152176613334_5149219209560935511_n 11953197_1134152003280018_8259833216469375007_n 11954751_1134152436613308_2646809416910520413_n 11990680_1134152596613292_4389917037596581991_n

Uhuru-Kenyatta-500x333

 

News Related