Published:

arafaArafa(Haldoornews)-Maanta oo ah maalinta ugu muhiimsan gudashada waajibaadka Xajka ayaa waxaa Buurta Carrafo Maanta taagan malaayiin qof oo Muslimiin ah, kuwaasoo ka kala yimid dacallada Adduunka.

Saaka ayaa wxaa Buurta Carrafo u dareeray sannadkan 3-milyan oo qof oo ay ku jiraan Xujey Soomaali ah oo caalamka dacaladiisa, iyadoo maanta oo dhan ay dadkan taagnaa-nayaan cad-ceedda kulul.

Xujeyda ayaa waxay maanta oo dhan ku baryi doonaan ALLE Buurta Carrafo dusheeda; iyadoo marka ay Qorraxdu dhacdana u dareeri doona Musdalifa, halkaasoo ay kasii wadan doonaan gudashada waajibaadka Xajka.

Sidoo kale, Berri oo ah Maalinta Ciidul-Adxa ayaa waxay xujeydu gowraci doonaan xoolo, iyadoo dunida inteeda kalena laga ciidi doono ciidda labaad ee ugu weyn ciidamadaha Islaamka.

Ugu dambeyn, xajka ayaa wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka uu ku dhisan yahay, iyadoo Qof walba oo Muslim ah laga doonayo inta uu nool yahay inuu hal mar guto Xajka, haddii uu awoodi karo.

Si kastaba ha ahaatee, Sannadkan ayaa wuxuu Xajku kusoo beegmayaa xilli ay ka dhacday Mashaqo Masjidka Xaramka, kaddib markii uu ku dushay wiil ka mid ahaa kuwa dhismaha ka waday, halkaasoo ay ku geeriyoodeen in ka badan boqol xujey ah.

 

Haldoornews.com

Contact@haldoornews.com

News Related