Published:

London (Haldoornews) Maayar ku Xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Xildhibaan Cabdicasiis Cagaweyne oo Tododaabkan horraantiisii booqasho ku yimi dalkan UK ayaa waxa uu u yimi Kulamo uu la yeelan doono Madaxda Magaalooyinka iyo dawladaha Hoose ee UK iyo Jaaliyadaha Somaliland ee ku sugan dalkan UK. Socdaalkan oo uu ka soo shaqeeyay Safiirka Wareega ee Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed oo aanu wax ka wax weydiinay ayaa noo sheegay in uu yahay Socdaal shaqo oo oo uu hore Maayar Xigeenka ugu soo casuumay Dalkan UK, waxaana uu xidhiidh la leeyahay socdaalkaas hore iyo sidii loo sii amboqaadi lahaa horumarinta Xidhiidhka ka dhexeeya Golayaasha Deegaanada Dalkan UK iyo Somaliland.

CagoMaayarkuxigeen-300x200

” Waxaanu doonaynaa inaanu xoojino oo dhidibada aanu u taagno in Magaalooyinka Somaliland aanu ku xidhno oo xidhiidho iyo iskaashi aanu uga samayno Magaalooyinka dalkan UK ee kala duwan, waxaana qorshahayagu uu yahay in Wadamada Yurub intooda badan aan ka abuurno Cilaaqaad iyo xidhiidh dhex mara Golayaasha Deegaanada ee dalkeena, kuwaas oo meel fiican noo maraya muddo Saddex sanadood gaadhaysana aanu ka shaqaynaynay anaga oo kaashanayna Jaaliyadaheena ayuu yidhi Safiirka Wareega oo aanu Khadka Taleefanka kula xidhiidhnay.

News Related