Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe iyo Telefishanka HCTV ku bogaadiyay barnaamij dood ah oo  uu telefishanka HCTV ku qabtay hoolka cusub ee Green Plaza ee magaalada Hargeysa.

Doodaas oo uu hagayay agaasimaha HCTV Maxamed Cabdi Sheekh(Ilig) waxa Faysal Cali Waraabe lagu weydiiyay su’aalo toos ah oo ay weydiinayeen dhallinyaro reer Somaliland ah, waxaanu kulankaasi noqday kii u horeeyay ee noociisa ah. Sidaas daraadeed Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ku sugan dalka Maraykanka ayaa dhambaal hambalyo ah u soo diray Faysal Cali Waraabe iyo telefishankaba, isagoo xusay in kulamada noocan ahi yihiin kuwa ay umadu u baahantahay.

Dhambaalkas uu Prof Samatar u soo diray Faysal Cali Waraabe oo ku qornaa luuqadda Ingiriisida, oo aanu Somali u soo turjunay wuxuu u dhignaa sidan

“Walaal Faysal, Salaan kaaga timid ST. Paul. Daqiiqado ka hor waxaan fursad u helay inaan daawado barnaamij uu telefishanka HCTV kugu casuumay si aad warbixina u jeediso dabadeedna ay su’aalo ku weydiiyaan ka qayb galayaashii oo ahaa dhallinyaro aqoonyahan ah oo reer Somaliland ah.

Barnaamijka dhammaadkiisii waxaan gaadhay qiimaynta u dambaysa oo ah

Su’aaluhu waxay ahaayeen kuwo adag balse maskax ku dhisan

Jawaabahaagu waxay ahaayeen kuwo xogogaal ah, lafo-gur ah, xikmad badan oo ku haboonaa madasha

Diyaar garowugu wuxuu ahaa mid qurux badan oo si wanaagsan loo maamulay

Intaas oo dhan waxa kasii mudan, waxaan doonayaa inaan kuu soo diro hambalyo. Markii ugu dambaysay ee uu telefishanka HCTV i waraysatay waxaan si adag u soo jeediyay in la qabto kulamada noocan oo kale ah. Arrintani wax kasta way ka muhiimsantahay maadaama oo ay doorashooyinkii qaranku inagu soo dhawyihiin. Waxaan ku faraxsanahay in hawshii la bilaabay.

Fikirkayga, waxaad tahay hanti qaali ah oo ay Somaliland leedahay. Ku dhacaaga, caqli badnaantaada, dareenkaaga cadaaladeed iyo sidaad dunida ula socoto ayaanu u wada bognay intayada sida dhabta ah u danaysa horumarka  iyo mustaqbalka Somaliland. Hambalyo Faysal.”

News Related