Published:

ninkii xaaskiisa waxa ay ninkeedii waydiisatay inuu usoo iibiyo shanlo ( Gadhfeedh) , maadaama ay lahayd timo aad u dhaadheer oo qurux badan, waxa ayna doonaysay in ay si wanaagsan ugu baxaan timaha.

Ninkii Maskiinka ahaa aad ayuu uga xumaaday xaaskiisa uu aadka u jeclaay inuu ku dhaho Maya kuuma iibin karo , balse waxa uu isku dayay inuu qanciyo xaaskiisa oo waxa uu usharxay xitaa in uusan haysan lacag uu ku hagaajisto saacad uu lahaa oo suunka laga xerto ( xidho) ka qaribnayd ( ka halaysnayd) .

Runtii waxa ay ahayd wakhti aad u adag in la isku dhoola cadeeyo , Ninkii maskiin ahaana waxa uu xaaskiisa wejigeeda ka aqristay in aysan diyaar u ahayn in ay marlabaad waydiisato codsi kale.

Waagii marki uu baryay ninkii waxa uu u’dhaqaaqay inuu aado shaqadiisii balse maalintaa waxa uu qaaday ( waxa uu maray) waddo aan ahayn waddadi uu horray u mari jiray, waxa uuna aaday dukaamada lagu iibiyo saacadaha , waxa uuna go’aansaday in uu qiima jaban ku iibiyo saacadiisii qaribanayd ( halaysneed) si’ uu xaaskiisa uu aadka u jeclaa ugu soo iibiyo Shanlo ( gadhfeedh), maadaama ay ka codsatay .

Hadaba ninkii marki uu gurigiisii dib ugu soo laabtay fiidkii ( habeenkii), Waxa uu si wayn ugu faraxsanaa inuu xaaskiisa si lama filaan ah ku gudoonsiiyo Shanladii ( gadhfeedhii ) uu u soo iibiyaay .

Balse taa baddelkeed waxaa dhacday ninkii inuu si wayn ula yaabay marki uu arkay xaaskiisii oo timaheedu ay aad u gaa-gaaban yihiin.

Waayo waxa ay iibisay timaheedii quruxda badnaa , lacagti ay ka heshayna waxa ay ninkeedii ugu soo iibisay saacad cusub oo ay gacanta ku haysay isla xiligaa si’ ay ninkeeda ay aadka u jeclayd u gudoonsiiso isaga oo aan filanayn, maadaama ay saacadiisii horre ka qaribnayd .

Run ahaantii midba midka kale ayuu niyada kaga ilmeeyay ilaa ay ilmadii indhahooda soo dhaaftay , uma aysan ilmaynayn in midba midka kale uu u soo iibiyaay wixii uu doonayay balse waxa ay la’ imeeyeen dareenka ah inuu midba intii uu awoodo isku dayo inuu midka kale farxad galiyo isga oo tiisa ka tagaya iyo naxariista uu midba midka kale uu niyada ugu hayay, taasi ayay ahayd waxa labadoodiiba ka ilmaysiiyay.

Hadiiba la doonayo in la helo lamaane kuwada nool farxad waa in aynu racaa talaabooyinkan.

1- Marka koowaad waa in la’isku naxariistaa waayo hadii qofba qofka kale uu u’naxariisan-waayo waxaa adkaandoonta in farxad laguwada noolaado waayo qofba qofka kale ayuu u arkayaa inuu xasdayo taasina waxay sababi kartaa inuu daciifo jacaylkii ka dhaxeeyaay lammaanaha is qaba .

2- Marka labaad waa in la isku sabraa waayo bani’aadamka dhammaantii gef ( khalad) wuu ka dhacayaa sidaa awgeed waxaa haboon hadii uu mid khaldamo in la isku dayo in la wacyi galiyo balse aan laga daba khaldamin.

3- Marka seddexaad waa in la isku kalsoonaadaa in la isku kalsoonaadana waxa ay ku imaan kartaa markii laga fogaado wax kasta oo keeni kara in la is aamini waayo sida :
. in been la isku sheego ,
. in balamada la iskaaga baxo ,
. in la is qiyaano amaba wax lakala’ qarsado ,
isku soo wada duub waa in laga fogaadaa wax waliba oo keeni kara in ay caqabad ku noqdaan kalsoonida ka dhexeeysa lammaanaha is qaba .

Ugu dambayntii Waxaan Allah ( سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى ) waydiisanaynaa inuu wanaag iyo kal gacayl dhex dhigo lammaanayaasha is qaba , intii guurdoon ahna inuu Alle u sahlo lammaane ay ku dagaan oo xagga janada u jiida. Aamiin

intii aan saxay Allah ( سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى ) ayaa i waafajiyaay , intii aan khaldayna shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay

News Related