Published:

Berbera-(Haldoornews)-Ilo xogogaal ah oo u dhuun daloola Shirkadaha & Maalqabeenada ku midoobay dhaxal wareejinta Haamaha Kaydka shidaalka Berbera ayaa Qarannews u sheegay in shirkada HASS Petroluem dibu-gurasho bilowday, Qarkana u saraan tahay inay ka baxdo ama ka tanaasusho qadiyada Haamaha shidaalka oo ay qeyb ka ahayd Shirkadaha quudaranaya inay la wareegaan.

SHirkada HASS ayaa xogguhu intaas ku dareen inay ka biyo diiday qaabka Xukumada Siilanyo wax u fool eryayso iyo weliba shaqsiyaad is-xanbaaara  oo  caanteyn haysan oo  wata magacyo shirkado macmala oo hadda la soo melmelay  oo lagu kordhiyey ama lagu daray shirkadihii Xukumada Siilanyo heshiiska la galay,kuwaas oo   qaab beeleed ama qabiil lagu soo xulay.

Shirkada HASS ayaa Xeeladan maalinba  shaqsiyaad magacyo kala duwan wata lagu soo daraayo shirkadaha Haamaha Shidaalka lagu wareejinaayo u aragta nidaamo fawdo ah oo aan ka tarjumeyn heshiiskii hore ee xukumada Siilanyo ku duduucday lix shirkadood oo HASS ka mid ahayd balse haatan tiradu marayso ilaa 12 Shirkadood.

Shirkada HASS ayaa lagu wadaa inay ka baxdo heshiiska Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera maadaba Shaqsiyaad waxba haysan ama waxba ku darsan darafka loo sudhay oo hantidoodu qiilqiil ku jirto xataa haddey ku kelifayso inay S/land ka laalaabtaan.

Taa ka sakow waxaa jirta cabsi & Cabashooyin kale oo isa soo taraya oo shirkada HASS iyo kuwa kaleba ka qabaan Gudoomiyaha shirkadaha ku midoobay Dhaxal-wareejinta Haamaha kaydka shidaalka Berbera Xasan Maxamed Cige (Xasan Xaaji) oo qaabku wax u waddo aaney ku qanacsayn oo madmadow iyo muhmal ka muuqdo,islamarkaana ay u arkaan inuu fashiliyey qadiyada wareejinta Haamaha Shidaalka,meel darana ka abaaray iyo Lacag laaluusha oo uu ku bixiyey Mooshinkii la geeyay Golaha Barlamaanka iyo As-khaas kale oo Dilaalo Iyo Cagademdemlayaal ku jiraan & weliba Wasiirka Ganacsiga oo uu siiyey lacag lagu sheegay Konton ($50.000) oo Dollar oo aan meesha qaban.

Ku darsoo waxaa jira in Shaqsiyaad lagu daray liiska shirkadaha uu ka mid yhay Gudoomiye-xigeenka barlamaanka oo la siiyey Saami inkastoo la sheegay inuu ku qoray magaca Ganacsade ay Xasabo yihiin oo uu ku darsadey Lacag lagu sheegay ($400.000) Afar Boqol oo kun oo Dollar.

Geesta kalena Shirkadaha ku midoobay Dhaxal-wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera ee HASS ka mid tahay ayaa Qasriga Madaxtooyadu ka sii qadintay Lacag lagu sheegay Shan Milyan ($5.000.000) oo Dollar oo ah Kirada Haamaha Shidaalka Muddo lix sanadood ah oo ay adag tahay in la celiyo.

Isku soo wada duuboo xikmad Somali ayaa ah “Labadii baadilka ku heshiisaa xaqay ku diritaaye”,durbaba waxaa bilaabmay kala shaki iyo kala furfuran shirkadihii ku midoobay dhaxal-wareejinta Haamaha shidaalka Berbera markii Xukumada Siilanyo ku soo dhex darsatey ama ku soo dhextuurtay Shaqsiyaad wata magacyo shirkado ha yeeshee aan caanteyn haysan oo Qasriga madaxtooyadu naasnaauujin ug dhigay Hanitda shirado kale.

 

Haldoornews.com

XIGASHO Qarannews

News Related