Published:

Wadanka Denmarka oo ka Warwarsan Baaxada dadka Qaxootiga ahee soo galaa wadamada reer Galbeedka ah ee magangalayada Qaxootiga bixiya ayaa soosaarray Sharciyo Adago oo ay kaga hortagayaan Qaxoootiga tirada badan ee maalinba maalinta a danbaysa soo badanaya .
Wadanka Denmark oo uga digaya qaxootiga inay yimaadaan wadanka Denmark, gaa ahaan qaxootiga ka socda Bariga dhexe , ayaa waxay Boggag Xayaysiis ah ka kiraysatay Jaraaidka ugu wayn dalka Lubnaan iyadoo , markaasi ku soo bandhigaysa Xayaysiisyo badan oo muujinaya Talaabooyinka adag ee sugaya qaxootiga marka ay Soo Galaan wadanka Denmark.

Talaabooinka Adag ee ay ku fulinayaan qaxootiga cusub ee imanaya wadanka Denmark ayaa waxa kamid ah in lacagta qaxoootiga ay siiso ay aad u yaraynayso, sharciyada la bixiyo aan la siindoonin laguna adkayn doono, sidoo kale, waxa si wayn loo dardar galin doonaa sidii qaxootiga la diido si dhakhso ah loogu celin lahaa wadankoodii iyadoo la samayn doono Meello gaar ah oo lagu sii hayndoono Qaxootiga sharciga loo diiday.

 

21052999070_9e0d6b5fa7_o

News Related