Published:

Hargeysa(Haldoornews)-Fadhigan oo Maalmihii la soo DHaafay Aad loo Hadal hayey ayaa saaka oo sabti ah la isugu Yimid waxaana kalfadhigan ay xildhibaano taageersan xukuumada ay doonayeen in ay keenaan mooshinka dhan ah wareejinta haamaha shidaalka oo hore goluhu u diiday.

hadaba markii uu furmay golaha ayaa waxa uu ku furmay jawi kacsan oo ka duwan sidii hore, waxaana markii uu waxoogay socday goluhu oo kalfadhigana uu gudoominayey gudoomiyaha golahaasi C/raxman ciro oo hore u diiday warqadii madaxwayne silaanyo.

Xildhibaanada Xukuumada Taageersan ee keenay mooshinkan ayaa markii uu gudoomiyuhu yeedhiyey magacyadooda iyo mooshinkay wadaan ayaa waxa uu gudoomiyuhu ku war galiyey in mooshinka oo dhawaan ka baxay xildhibaanada ayna go’aan uga gaadheen, aanu isla kalfadhigan soo noqon karin oo goluhu ka doodi doono kalfadhiyada dambe, waxaana hadalkaasi uu u cuntami waayey gudoomiye ku xigeenka baashe maxamed faarax oo isagu ciro ku qabsaday shi gudoonimadii  sheegayna in laga doodi doono , ka dibna uu ciro ku war galiyey in wadanku aanu lahayn laba madaxwayne ee uu leeyahay ku xigeenka shir gudoonkuna uu sidaasi yahay.ka dib ay arinta gacan ka hadalka dagaalka ah ee dhex maray  gudoomiyaha golaha wakiilada c/raxman ciro iyo ku -xigeenkiisa baashe maxamed faarax .

waa markii ugu horaysay ee uu degaal gacan ka hadal ahi dhex mari gudoomiye iyo ku xigeenkiisa .

 

la kala soco wararka dambe faahfaahinta dhacdadaasi iyo fadhigii golaha ee maanta shabakada haldoornews.com

Haldoornews.com

Hargeysa office

haldoornews@hotmail.com

News Related