Published:

Hargeysa (Haldoornews) Munaasibad ay ku qalin-jabinayeen boqol iyo afar soddon arday oo culuumta caafimaadka muddo ka baranayey Jaamacada Addis Ababa Medical University College ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Waxa Munaasibadan Ka Soo Qayb-Galay Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland, Wasiiro Ka Tirsan Xukumada, Agaasimayaal Guud, Salaadiin, Safiirka Dalka Itoobiya Ee Somaliland, Dhakhaatiir, Maamulka Jaamacada Addis Ababa Iyo Marti Sharaf Kale Oo Lagu Soo Casuumay Xafladaasi.
Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay Hormuudka Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Addis Ababa Medical University College Mr Rawlin waxaana uu hambalyeeyey ardayda dhamaysatay Culuumta Caafimaadka ee ka baxday Jaamacada Addis Ababa Medical University College.
Guddoomiyaha Jaamacada Addis Ababa Medical University College Maxamuud Saxardiid Askar oo isna halkaasi ka hadlaya ayaa ka waramay tirada ardayda qalin-jabinaysa  iyo qaybaha ay ka baxeenba waxaana uu yidhi:-“Ardaydan qalin-jabisay oo ka kooban boqol iyo afar soddon arday oo ka kala socda saddex qaybood oo kala ah Public Health Officer , Clinical Nursing iyo Mid Wife, ardaydaasi oo ilaa dhawr iyo toban sannadood wax soo baranaysay waxa aan leeyahay maanta waa maalin muhiim idiin ah oo qiimo iyo qaayo leh , waxa aan rajaynayaa in aad u adeegi doontaa bulshada ku dhaqan dalkeena”.
sidoo kale Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in wax lagu farxo ay tahay in boqol iyo afar iyo soddon arday ay u soo baxaan bahda caafimaadka ee Somaliland iyadoo intaasi ku dartay in somaliland ay ka mid tahay dalalka afrika ee ay dhibaatooyinka la kulmaan hooyada iyo dhalaanku waxaana iyadoo arintaasi ka hadlaysa ay tidhi:-“Somaliland marka aynu eegno dalalka qaarada afrika hooyada iyo dhalaankeenu waxay soo maraan dhibaatooyin badan oo dalalka kale dadkoodu ay ka badbaadiyeen ,carruur badan ayaan ka kicin dhibaatada foosha, hooyooyin badan ayaa umul raaca waxaad tihiin umulisooyinkiina iyo shaqaalihiina caafimaad ee halkaas maanta fadhiya kuwii ka hawl-gali lahaa in hooyo kuu soo magan-gashay oo aad gacantaada kaga dhalisay aanay umul raacin”.
Suldaan Xassan  Suldaan Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland oo hadal dheer ka jeediyey halkaasi ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay iyo maamulka Jaamacada Addis Ababa Medical University College ee magaalada hargaysa waxaana uu intaasi ku  daray suldaanku in caafimaadku uu yahay baahida ugu weyn ee ay qabto bulshada Somaliland, baahidaasi oo  la dareemo marka laga baxo guddaha magaalooyinka ee la tago deegaanada miyiga ah isagoo ardayda qalin-jabisayna kula dardaarmay in ay u shaqeeyaan dadkooda miyiga iyo tuulooyinka ku nool oo ay ugu tagaan halka ay joogaan.

Axmed Nuur Faahiye Wasiiru-dawlaha Wasaarada Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Somaliland oo isna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in intii ay dalka ay ka furmeen jaamacaduhu ay maalinba maalinta ka dambaysa uu dalku xaga aqoonta aad uga koray,ardayda maanta qalin-janbinaysa ay yihiin kuwii dalku u baahnaa aqoontooda ,isagoo ardayda qalin-jabisay u diray dardaaran ah in noqdaan kuwo dalka wax ku   soo kordhiya oo uga faaideeya dadkooda wixii ay barteen.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud Ee Somaliland oo isna ka hadlay Munaasibada ay ku qalin-jabinayeen boqol iyo afar soddonka arday ee bartay xirfada caafimaadka ayaa tilmaamay in ay farxad u tahay in uu ka soo qayb-galo madal lagu sharfayo aqoonyahano bartay xirfada caafimaadka kana qalin-jabiyey jaamacada Addis Ababa Medical University College ee magaalada hargaysa, waxa uu wasiirku hoosta ka xariiqay in aqoontu ay leedahay meel ay ka bilaabanto balse aanay meel ay ku dhamaato isagoo aradayda qalin-jabisaynayna u soo jeediyey in ay wax sii bartaan iyagoo ka faaidaysanaya jaaniska dhalinyaranimo ee ay haystaan.

Waxa sidoo kale ka hadlay Munaasibadaasi Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe waxaana uu yidhi:-“ walaalayaal inkasta oo aynu wax kasta u baahanahay hadana Caafimaadku waa meelaha aynu aad iyo aad ugu baahanahay ee ah halbawlaha, nasiibna waxaad ku leedihiin waxa idiin joogta Drs Adna Aadan oo ku dayan Doontaa, waxaan idiin bidhaamin lahaa hadaad aragtid cadaankan Yurub Iyo marykankan leh  ee caafimaadka ka shaqeeya marka ay Africa imanayaan ama hargaysa waxay la tahay iyaga oo tuulo imanaya markaa way u soo badheedhaan in ay dadka caawiyaan, markaa idinka waxa aan idinka codsanayaa in aydaan tuulooyinkeena ka xishoon ee tuulooyinkeena taga walaalayaal”.

Safiirka dalka itoobiya ee Somaliland oo ku hadlayey afka safaarada itoobiya ee Somaliland ayaa ka dib hambalyada uu u diray ardayda ka qalin-jabisay Jaamacada Addis Ababa Medical University College waxa uu si qoto-dheer uga waramay xidhiidh u dhaxeeyey dalalka Somaliland iyo itoobiya ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo amaanka.

Sidoo kale waxa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Mihnadlayaasha Caafimad Dr Axmed Xaashi Oday Iyo Dr Garaad oo ka mid ah dhakhaatiirta waaweyn ee reer Somaliland.

Ugu dambayntii waxa munaasibadaasi soo gabagabeeyey Madaxweyne Ku Xiggeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ugu horayntii waxa uu hambalyo u diray ardayda baratay culuumta caafimaadka isagoo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan , madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay in barashada cilmiga caafimaadku uu qiime weyn ugu fadhiyo qaranka waxaana isaga oo arimahaasi ka hadlaya uu yidhi:-“Caafimaadku qiimaha uu leeyahay waa laga waramay waxaana iiga muuqata halkani in ardayda ugu badani ay ka qalin-jabiyeen qaybta caafimaadka guud waxaan is leeyahay Public Health waa qaybta ugu ugu muhiimsan , markaa marka aad kaas ka qalin-jabiseen xil-weyn-baa idin saaran , caafimaadkii guud ee umuda reer Somaliland oo dhan ayaa idin saaran,waxa la idiinka baahan yahay iyadoo nin walba halkii ilaahay calaf ugu daray uu shaqo ka heli doono maanta laga bilaabo xil-baa idin saaran inaad aad ka bilowdaan aqoontiinaa aad barateen in aad gurigiina ka bilowdaan,jaarkiina ku xigsiisaan , deegaankiina ku xigsiisaan ,degmada iyo waddanka oo dhan aad gaadhsiisaan oo cilmigaa aad dabaqdaan si looga hortago caafimaad darada”.

Gabagabadii Madaxweyne Ku Xiggeenka Somaliland waxa uu halkaasi shahaadooyinkii loogu talo-galay ku guddoonsiiyey boqol iyo afar iyo soddonka arday ka qalin-jabiyey Jaamacada  Addis Ababa Medical University College halka Maamulka Jaamacadu ay shahaado sharaf guddoonsiiyeen Madaxweyne ku xiggeenka Somaliland.

 

News Related