Gabileynewsonline.com
BEESHA ISAHAAQ CAARE OO BAAQ U DIRAYA DERISKOODA
October 24, 2015 - Written by admin

Beesh Isahaaq Care Oo Baaq u Diraya Deriskooda Annaga oo ah qurba joogta Beesha Isxaaq Carre waxanu Baaq dheer u diraynaa Beesha Ciida Gale ee aanu tolka iyo deriska iyo inan iyo abtigii isku nahay inay ka waantoobaan shirarka ay ku qabsanayaan qaarna ku Caleemo saarayaan Oday dhaqameedyo beeshooda ah Deegaamada aanu degno sida Lebi Sagaala iyo Halaye iyo Awbarkhadle iyagoo leh deegaamo ay gaar u leeyihiin oo aanu hadal iyo tuhun iyo shaki midna ka iman Karin.
Waxanu u aragnaa arrimahaa qaar damac deegaan sheegasho iyo dhul ballaadhsi looga Dan leeyahay oo aan u adeegayn deris wanaaga iyo is xaq dhawrka iyo ixtiraamka iyo tolnimada innaga dhaxaysa.

Waxaanu mar labaad ugu baaqaynaa walaalahayaga aanu deriska iyo inan iyo abtigii nahay inay inaga ilaaliyaan wixii labada reer kala fogaynaaya, Shaki iyo tuhun kala gelinaya wada dhalashad deris wanaagana wax yeeli kara.

Dawlada somaliland waxaanu Xasuusinaynaa inay hore u soo saartay dareegto ay ku mamnuucayso in la aassaaso tuulooyin cusub, sidaa darteed waxaanu cod dheer kaga codsanaynaa inay isha ku hayso oo ay suurto geliso go`aamada ka soo baxay xukuumada somaliland, Oo haddii loo baahdo Nuqlkooda aanu hayno.

Nuqul ka mid ah Baaqan waxanu u gubinay Xukuumada Somaliland. Waxanu rajaynaynaa inuu baaqayagaasi ku dhaco dhego caafimmad qaba,Qalbi wayn iyo Caqli indheer garad oo intaba Beesha Ciida Gale hodan ka tahay.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Ururka Khayre21. Ee Beesha Isaxaaq Care

COMMENTS
Latest News