Published:

Wararka hadda naga soo gaadhaya Magaaladda Badhan ee Gobbolka Sanaag,ayaa sheegayaa in goor dhawayd si rasmi ah loo soo daayay Xubno ka tirsan Komishanka DoorashooyinkaBadhan:(GNO)- Wararka hadda naga soo gaadhaya Magaaladda Badhan ee Gobbolka Sanaag,ayaa sheegayaa in goor dhawayd si rasmi ah loo soo daayay Xubno ka tirsan Komishanka Doorashooyinka,Xildhibaano Iiyo Xubno kale oo safarka ku wehelinayay,kuwaas oo shalay ay Afduubteen Ciidammo ka amar-qaata Maamulka Puntland.
Sida uu soo sheegayo Wariyaha Shabakadda Wararka Oodweynenews.com ee Magaaladda Ceerigaabo, Cabdilaahi Darwiish waxa la filayaa inn Xubnahaasi ay dib-ugu-soo noqdaan Magaaladda Ceerigaabo,halkaas oo ay xaruntoodu tahay.
Xubnahan shalay la qafaashay ayaa kala ah; Guddoomiyaha Komishanka G/Sanaag Axmed Cali Biixi Guddoomyaha Ururka Waddaniga ah Ee Taakulo Cumar Jaamac Faarax iyo Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax oo katirsan golaha degaanka Ceerigaabo iyo Dirawaladii u waday Gaadiidkii ay la socdeen

 

News Related