Published:

Marka Hore Waxaan Salaamay Shacbi weynaha somaliland iyo Shacbiga somaliyeed meelkasta Hajoogane anoo ka raali galinaya mudadii koobnayd een saxaafada aanan waxba kusoo qorin oon hada markale kusoo laabtay waanan idin salaamayaa
Waxa kale oon salaamaya Dhamaan akhristayaashi akhrisan jirey maqaalada kala duwan ee aan soo qori jirey kagana hadli jirey arimaha bulshada iyo marxaladaha Dalka hadba Uu marayo wixii aragtidayda ka beegan
Aan u Daadago Mawduucan Rabo inaad maanta Idila Wadaago
Maxay Tahay Dimuqraadiyada?
Dimquraadiyadu waa nidaam inooga yimid dawlada reer galbeedka una arkeena in ay anfacday iyaga iyo cidakale ee la qaadata
waana nidaam Ku saleysan in Qofkasta xor Yahay cidna aanu u Afduubnaan karin codkiisa iyo aragtidiisa waana nidaamka loo sameystay asxaabta Kala duwan Kala afkaartana ah Qofkastaana nidaamka cajabiya ee uu u arko waxwanaagsan ayuu u codeeya tageerana ama uu yidhaahda igu doorta
taasina waa xoriyada Reer galbeedka u siman yahay ee u doorteen Dimuqraadiyada
HADABA MAXAY TAHAY REERNIMADA QABYALADEYSAN
Hadaba Qabiilku waa wax wanaagsan oo laysku kala garto waana Aqoonsiga shakhsiga lagu garan Karo Asalkiisa Meeshu Ka soo jeedo Afka uu ku Hadlo Degaanka uu u dhashay taasi waa Qabiilka Wanaagsan
hadaba Qabyaaladu waa wax ka gedisan Qabiilkan loona isticmaalo Colaadaha qaran duminta isku dhaca Bulsho meel Wada Degan mana Noqon karto mid loo Adeegsado maamul Suuban ama dowladnimo wanaagsan kumana jirto nidaamyada dowladaha sameystay Dimuqraadiyada
ARAGTIDAYDA TALO BIXINEED
qabyaalada iyo dowladnimo meel ma wada galaan
hadaba qabyaaladu waa waax aan buug iyo qalin lahayn waxaan adeegsada nin geed hoostiisa fadhiya yidhaahdan anigaa reer hebel kalaan dheer oo aan dunida waxba ka ogeyn
dowladnimo waxa adeegsada dad aqoon sare leh
oo ka tanaasuley kana fogaaday qabyaalada iyo qeyb yari xukunto
bulsho balaadhan

W/Q
Ambassador Ahmed Naajisuufi

News Related