Published:

download (9) 

Berbera(GNO)Oct.18, 2015 – Subaxnimadii Axada ayaa masuuliyiin xukumadda ka tirsan iyo masuuliyiinta shirkaddaha shidaalka keena Somaliland ku yeesheen, xarunta Haamaha kaydka Shidaalka waxaa lagu lafo guray arrimo ku saabsan haamaha Shidaalka Berbera.

Kulankaasi oo xogtiisa la adkeeyay ayaa la sheegay in Haamaha Shidaalka lagu wareejiyay shirkaddaha hore u soo dalbaday ee shidaalka keena dalka. Wali xukumaddu war kama soo saarin arrintan balse warar madax banaan ayaa sheegaya in Haamaha loo magacaabay maareeye cusub sidoo kalena lagu wareejiyay shirkaddaha danaynayay.

Muuqaal laga soo duubay wasiir kuxigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo guddoomiyaha gobolka Saaxil ee Ucid Marwo Roodo Axmed Yaasiin, ayaa muujinaya wasiir xigeenka oo diidan hadalka Rooda, islamarkaana afku ka xumaaday laba masuul.

Intaasi kadib ayaa Rooda oo saxaafadda la hadashay waxay sheegtay siday uga xun yihiin kulanka la sheegay in haamaha Shidaalka lagaga mulki wareejiyay xukumadda Siilaanyo.

 

News Related