Published:

Faysal Cali Waraabe markii la waraysanayay wuxuu ka hadlay waxyaabo badan oo ku lug leh xaaladda dalka gudihiisa. Runtiina si khibrad leh ayuu dhinac walba u taabtay. Wuxuu kaloo faahfaahiyey habka aynu uga bixi karno dhibaatooyinka maanta jira. Arrinta Awdal wuxuu sheegay inay ka wayn tahay yarka dibadda ku soo saaqiday ee intuu dalka ku soo noqday 5000 $ oo loo soo ururiyey ku iibsaday suldaanimada ka dibna qol uu ku dhuumanayo intuu fidiyow iskaga soo duubo u yidhaahdo waxaan ahay jabhad. Wuxuu sheegay in arrintu yarkan ka wayn tahay ee ay tahay arrintu Isaaq nacayb ku jirta gadabuursiga guud ahaan. Oo wuxuu yidhi marka la yidhaa reer hebel ha dhacaan, reer hebel waa yuhuud ee carruurta, dhallinta iyo dadwaynaha loogu qudbadeeyo waxyaabo qabiil lagu caayayo oo lagu weerarayo waxay muujinaysaa nacayb qabiil (Isaaq) oo ku jirta gadabuursi. Wuxuu yidhi Madxawaynaha waa la eedayn karaa, dawladda waa la caayi karaa, laakiin markaad qabiil dhan oo muxaafid iyo mucaaridba leh aad joogto u caydo waxa kugu jira isir nacayb. Wuxuu kaloo sheegay in gadabuursi ay Somaliland ku heleen mansab iyo magac aysan waligood lahaan jirin. Sidaa darteed dantoodu ku jirto Somaliland, marka waa in dadka la wacyi geliyaa oo laga saaro cuqda isaaq ee ku jirta.

Haddaba haddii la dhuuxo hadalka Faysal, runtii wuxuu ka hadlay xaqiiqda, waana wax jira maanta ee Jamaal Cali Xuseen maxaa shiday? Maxaa keenay inuu saxaafadda u mariyo Faysal hanjabaad?
Jamaal waxa gubayaa maaha arrinta gadabuursi ee wuxuu ka gubanayaa erayada Faysal dhowr jeer yidhi Jamaal waa musharraxa madaxwayne ILAA IMIKA!!!  Waxa kale oo uu isla markaa Faysal maldahay in golaha dhexe ee UCID shirka ay isku iman doonaan loo tartami doono jagadan uu Jamaal isa siiyey. Taa ayaa damaqday Jamaal oo xooggiisii iyo xoolihiisiiba ku dhammaadeen inuu musharrax madaxwayne noqdo oo is moodayayna inuu hantiyey oon hadal dambe ka imanayn. Markaa haddaad si fiican u dhegaysato hadalka Jamaal waad fahmasaa inuu meesha jiro khilaaf iyo is aaminid la’aan ka dhex aloosantay isaga iyo guddoomiyaha. Waxa la yidhi baroortu orgiga ka wayn.
Wa Billahi tawfiiq,
A. Amir Bidde Nuur

News Related