Published:

Hargaysa:(GNO)- Waxa Maanta kulanjkoodii ugu horeeyay ku yeeshay Xarunta Wakaaladda Biyaha ee Magaaladda Hargaysa boodhkii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Biyaha Magaaladda JHargaysa,kaas oo ka kooban Shaqsiyaad Bulashadda caan ka dhex ah. Kulanka,ayaa waxa isna goobjoog ka ahaa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa,waxaanay Boodhka War-bixin ku salaysan Mashaariicda Biyo-balaadhineed ee socda ka dhegaysteen Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargaysa, Ibraahim Yoonis,isaga oo si faah-faahsan uga hadlay halka ay hadda marayaan Mashaariicdii ay Somaliland ka maal-galinayeen Midawga Yurub iyo Dawladda Imaaraadka Carabtu,taas oo la rabo in qeybaha ay aanay Biyuhu gaadhin ee Magaaladda Biyo ku filan lagu gaadhsiiyo Mustaqbalka dhaw.

News Related