Published:

Berbera(GNOdownload (9) ) Maamulkii Haamaha Shiidaalka Berbera ayaa wararka naga soo gaadhayaa sheegayaa in manta si rasmi ah loogu wareejiyey shirkadihii ay xukuumaddu Heshiiska kula gashay, kadib markii ay maalmahan xukuumaddu olole balaadhan ugu jirtay fulintooda.
Wararka hordhaca ah ee naga soo gaadhaya magaaladda Berbera ayaa sheegaya in shaqaalaha Haamaha Shiidaalka Berbera ay saaka markii la wareejiyey ku talaabsadeen shaqo joojin ay ku diidan yihiin xuquuqdoodii oo aan meel saarin, ka hor intaan la wareejin.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in aan illaa saaka Haamaha wax shiidaal ah laga shubin maadaama is-maandhaafka u dhaxeeya shaqaalaha iyo shirkaddaha la wareegay aanay meel dhigin xuquuqda shaqaalaha.

Xil-wareejinta saaka lagu sameeyey Haamaha shiidaalka Berbera waxa fuliyey wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo u Igmaday wareejintooda, waxaanu ku gedaamay si amniga Haamaha loo sugo Ciidamo cusub oo Milatari ah, kadib markii ay awaamiirtiisa fulin waayeen Booliiska Gobolku.

Dhibaatada kale ee taagan ayaa ah Maareeyaha cusub ee shirkaddaha la wareegay Haamuhu usoo magacaabeen Maxamuud Gahayr oo diiday laba milyan lix boqol iyo sideetan kun oo Doolar oo dayn ah oo uu Maareeyihii hore Sh Saleebaan ku wareejiyey munaasibada, taasoo iyaha wali ah xujo hortaala dadkii lahaa iyo shirkadaha la wareegay.

Dhinaca kale, Cuqaasha gobolka Saaxil ayaa maalmahan ku jiray shirar ay kaga tashanayaan waxa ay ka yeelayaan haddii ay xukuumaddu isku daydo inay wareejiso Haamaha, waxaanay xogihii ka soo baxay sheegayaan inay isku waafaqeen in arrintaas aan la fulin.
Haamaha Shiidaalka Berbera ayaa Halbawle u ah dhaqaalaha Dalka, isla markaana cashuurta ka soo baxda waxay Xukuumaddu badh ku dartaa Miisaaniyadda qaranka, halka badhka kale-na ay u isticmaasho arrimaha Siyaasadda.

News Related