Published:

Waxaan halkan doonayaa inaan uga mahad naqo fannaanada NIMCO DEGGAN oo ka mid ah fanaaniinta kasoo jeeda dalkani Somaliland,isla markaana aan ku tilmaami karo,shakhsiyad aad iyo aad u qiimo badan, Xaqiiqadii maaha waxaan sidaas u leeyahay inaan ka helay heesaha ay ku luuqayso ama wax ku saabsan arimaha la xidhiidha dhinaca fanka,saa maba ahi shakhsiyan qof xiiseeya fanka ,hase ahaatee waxaan aad ugu amaanayaa kuna bogaadinayaa,qaabkii ay uga hadashay xaalada dhalin yartii fanaaniinta ee dhawaan lagu xidhay hargeysa,

Runtii waxaan odhan karaa jawaabta ay ka bixisay qiiradii Kasoo yeedhay fanaanada NAKRUUMA iyo sidii ay uga hadashay xadhiga fanaaniintaasi waxay bannaanka usoo saareen,in dad badan oo aan aniga iyo asxaabataydu kow ka nahay cashar ka barano shakhsiyadda iyo qiimaha gabadhan fanaanada ah ee nimco deggan,waxaan si aad iyo aad ah usoo dhoweynayaa,qaabka aragti fogaanta ah iyo raganimada leh ee ay u cabirtay dareenkeega, waxaan u arkaa in hadalka gabadhaasi xambaarsanaa xikmad, wadaniyad iyo garsoor ay ka faaruq yihiin in badan oo raga ka mid ah iyo haweenka asaageega ah,waxay nimco deggan si cad farta ugu fiiqday,caqli xumada iyo doqoniimada in badan oo ka mid ah bulshada debeda iyo gudahaba ku nool,ee reer Somaliland, ay ku garan kari waayeen,in fanaaniintan xadhigooda laga hadlayo ee la buun buuninayo qabashadooda,ay yihiin muwaadin reer Somaliland ah,cidda xidhatayna ay tahay dawladdii Somaliland ee aan cid shisheeye ahi xidhanin,dal shisheeyena lagu xidhin,dilna lagu xukumin, iyadoo aan odhan karo.

Nimco-Degen

 

Dawladi waa tii wax xidha waxna cafida,kolkaa haddii ama denbi halagu helo ama ha lagu waayee qofka muwaadinka ah, cidnaba la xidhi Karin,marka qof la xidhana laysla qaylinaayo,sidee dawlad u sheegan karnaa,adduunka ma been baynu ka iibinaa kolkaan leenahay dawlad baan nahay.

Waxaan qabaa dadkii ka hadlay ee siyaasi iyo shacab kaleba lahaa,ee reer Somaliland,inay dhammaan wada ahaayeen,ashkhaas maan gaab ah.sababtoo ah waxay dhammaan ahayeen u adeegayaal,dad duulaan ku ah jiritaankooga iyo qaranimadooda oo doonayay inay kacdoon ka dhex abuuraan Somaliland,waxay garan waayeen aqoon ay dadka kasoo jeeda soomaaliaya ee nakruuma ka mid ahayd,ku fahmaan ujeedooyinkooga,iskuna waydiiyaan,waa maxay sababta ay ciyaal dawladoodii xidhatay uga qaylinayaan,uguna oynayaan,ee ay ugu qaylin waayeen dadkooga aan waxba galabsan ee KABO CASEEYE ILAA NABADOONKII dharaar kastiba gobolada soomaaliya lagu gawracayo,miyaanay idaacadaha dhegaysan,tolow miyaanay website-yada daalacan,miyaanay tv yada daawan, maxay xasuuqa ka socda dalkooga ugu qaylo dhaami waayeen,caalamkana uga codsan waayeen in xasuuqa ku socda wax looga qabto,hablaha,wiilasha iyo dhalin yarta jaamacadaha ka baxay,ee la dhahayo,waxa dishay rag dablay ah oo aan haybtooda la aqoonsan maxay ugu oyni waayeen, dhegahoogu ma waxay maqlaan oo qudha,dad dawladoodii oo amni iyo kala danbayn lehi xidhato,waxaanu leenahay sheekadu intaas way ka fogtahay,waxaana xaqiiq ah inay isku xidhan yihiin arrinta fanaaniinta la kaxaynayo,sheekada VOA ka wado deegaano ka mid ah Somaliland,iyo qaylo dhaanta soomaliya ee ilmada yaxaaska,nimco degana waxaan leeyahay runta ayaad taabatay,waan kugu amaanaynaa ee ha u debcin hadaaqa dadka magaratada ah.

 

Cabdimalik Dalmar Xayd Hargeisa

News Related